Friday, September 18, 2009

Kusoo dhawaada Webkan Uu Leeyahay Abdirazak Hassan Mohamed ( Duceysane ) Gacmo Furan Mahadsanidiin..

Tuesday, August 4, 2009

Caalamku waxa uu usoo jeestay Somaliya


M/weynaha Somaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta shir jaraa`id uu kaga hadlay arrimo dhowr ah waxa uu ku qabtay xarunta madaxtooyada ee Villa Somaliya.Sheekh Shariif ayaa ugu horeyn kusoo dhaweeyay saxaafdda shir jaraa`idka, waxaana uu ka warbixiyay safarka uu saacadaha soo socdo ugu ambabixi doono caasimadda Nairobi oo lagu wado in ey soo gaarto wasiirada arrimaha dibadda Mareykanka Hillery Clinton.Waxa uu sheegay m/weyne Shariif in kulanka uu kula qaadanayo Kenya Nairobi Hillery Clinton uu muujinayo sida caalamku uu ugu soo jeestay arrimaha Somaliya, waxaana uu intaa ku daray in mar hore haduu caalamka bilaabi lahaa dadaalka ey iminka wadaan lasoo afjari lahaa arrinta Somaliya.Sidoo kale waxaa uu madaxweynuhu sheegay in uu kala hadli doono haweeneyda Mareykanka u qaabilsan arrimaha dibadda dhinacyada siyaasadda, Amniga iyo xiriirka labada dal ee Somali iyo Mareykanka.Mar wax laga weydiiyay dhalinyaro Somali ah oo lagu qab-qabtay dalka Australia kuwaasoo falal argagixiso oo isugu jira isqaxin iyo leynta ciidamo xero ku jiray ayaa waxa uu sheegay in arinkaasi wax laga xumaado yahay islamarkaana dad dalkoodi amni darro uga cararay ey falkaasi ku dhaqaaqeen.Maalinka berito ah ayaa lagu wada in uu ku dhex maro kulan caalami ah magaalada Nairobi wasiirada arrimaha dibadda Mareykanka Mss. Hillery Clinton iyo madaxweynaha Somaliya kaasoo ah mid si aad ah looga soo shaqeeyay

Wariye:-

Yasiin Huseen Mohamed

loveborama Online

jaaw44@hotmail.com

Borama Somaliland

Monday, June 22, 2009

Duqeyntii ugu cusleyd oo galabta casir liiqii ka dhacday Xaafado ka tirsan Muqdisho & Hubkii ugu cuslaa oo Dowladda adeegsatay

Duqeyntii ugu cusleyd ayaa galabta casir liiqii xilli uu gabalka sii dumayay ka dhacday Xaafado ka tirsan Degmooyinka Yaaqshiid iyo Shibis,iyadoona duqeyntan ay aheyd mid madaafiic xoogan laga soo ridayay Xarunta Madaxtooyada,taasoo sida roobkii oo kale ugu hoobaneysay xaafadahaas. Madaafiicda oo si baas ah usoo dhacayay ayaa bartilmaameedkooda ahaa Sarta Sanca,halkaasoo ay fuuleen Xoogaga Mucaaradk,waxaana sartaas aheyd mid si ba'an loo duqeeyay. Sida ay sheegayay wararka madaafiicda loo adeegsaday sartaas oo ahaa kuwo cabir ah, ayaa ahaa hubkii ugu cuslaa oo ay dowladda adeegsato mudooyinkan,waxaana dadka muqdisho uu hugunka madfacan uu noqday mid uga duwanaaday madaafiicdii hore oo dadka reer muqdisho ay u bixiyeen magacyo ay ku gartaan, balse kii maanta ayaa u waayay magac,maadaama uu isla wada gariiray min goobta laga tuurayay ilaa meelaha ka fog. Inta la hubo ilaa hal ruux ayaa madfac jawaab ahaa ku dhintay agagaarka Xaafada Nasiib Buunde, waxaana dad kale oo ku sugnaa xaafadahaas soo gaaray dhaawac, inkastoo ay tahay xilli habeen ah ayaa suura hal noqon karta in qasaaraha uu intaas ka bato. Madaafiicda Maqribkii lagu soo garaacay degmada shibis ayaa waxa ay baqdin ku abuurtay dadka tirada yar ee ku haray degmadaas ,durba waxaad ku arkeysaa degmada shibis dad ka barakacaya oo afka aadiyay dhankaa iyo degmada Xamar weyn


Abdirazak Hassan Mohamed
loveborama Online
duceysane11@hotmail.com
Borama Somaliland

Shiikh Aadan Madoobe "Awoodii Dowladda waa wiiqantay, Hal kilo-mitir ayay madaxtooyada u jiraan"

Gudoomiyaha Baarlamaanka soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shaaca ka qaaday in awooda dowladda ay wiiqantay, kadib markii uu sheegay in ciidamada dowladda dagaalo looga soo qabsaday meelo ka mid ah caasimada. Shiikh Aadan Madoobe ayaa cadeeyay in kooxaha dowladda ka soo horjeeda ay Madaxtooyada Villa Soomaaliya u jiraan Hal kilo-mitir, isla markaana la doonayo in la bad baadiyo jiritaanka iyo qaranimada dowladda. "Awoodii dowladda waa wiiqantay, hal kilo-mitir ayaa loo jiraa madaxtooyada,waxaana caalamka ka codsaneynaa in ay si deg deg inoo caawiyaan"ayu yiri Shiikh Aadan Madoobe oo ku eedeeyay kooxaha dowladda ka soo horjeeda inay la safan yihiin kooxo ajaaniib. Waxaa uu sheegay in dagaalada lagala soo horjeeda ee ka socda magaalada Muqdisho uu hogaaminayo Generaal Pakistan ah, waxaana uu cadeeyay in kooxaha ajaaniibta ee ku sugan magaalada ay gaarayaan ilaa 500 oo dagaalyahan,kuwaasoo uu sheegay inay ku hubeysan yihiin hub casri ah. Gudoomiyaha Baarlamaanka shiikh aadan madoobe ayaa sidoo kale tilmaamay in kooxaha la dagaalamaya ay u socdaan inay tir tiraan jiritaanka soomaaliya,isagoona tibaaxay in calankii dowlada ay tir tireen calan kalena ay ku badaleen sida uu hadalka u dhigay. Dagaalada ka socda muqdisho oo soo bilowday 7-dii bishii May ayay dowladda u muuqataa mid tabarteeda sii laciifeyso,iyadoo hada kaliya ku tashan xoogag shisheeye oo ka difaaca kooxaha ka soo horjeeda


Abdirazak Hassan Mohamed
Loveborama Online
duceysane11@hotmail.com
Borama Somaliland

Friday, June 19, 2009

QM oo sheegtay in ay baarayso dhalashada ruuxii Shalay qaraxa Ismiidaaminta ku dilay xubnihii uu ka mid ahaa Wasiirkii qaranka Cumar Xaashi


Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Axmed Walad Cabdala oo ka hadlay qaraxii shalay ka dhacay magaalada Baladweyne ayaa waxaa uu sheegay in uu aad uga xunyahay qaraxaasi lagu dilay Wasiirkii Amniga Qaranka dowladda KMG Soomaaliya Cumar Xaashi Aadan iyo xubnihii kale.

Axmed Walad Cadala ayaa waxaa uu intaasi ku daray in baaritaano lagu samaynayo dhalashada Ruuxii naftii huraha ahaa ee shalay Qaraxa ka geystay hoteelka Madiina ee Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka,isagoo tilaamay in la ogaanaya in uu Soomaali ahaa iyo in uu ka yimid wadamada kale ee caalamka sida uu hadalka u dhigay.

Ergayga Qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Axmed Walad Cabdala waxaa uu sheegay in bilihii u dambeeyay Gudaha dalka Soomaaliya ay ku soo qul qulayeen qaar ka mid ah Urur weynaha Al Qaacida oo uu sheegay in uu doonayo Afgambiga dowladda KMG Soomaaliya Sida uu hadala u dhigay.

Waxaa uu intaasi raaciyay in tan iyo markii dowladda KMG Soomaaliya ay soo caga dhigatay gudaha dalka Soomaaliya wax badan ay u suurta galeen in ay wax ka qabato.

Hadalka Qaramada Midoobay ayaa imaanaya xili ay soo baxayaan hadalo badan oo lagu cambaareynayo qaraxii shalay lagu dilay wasiirka Amniga Qaran dowladda kMG Soomaaliya Cumar Xaashi Aadan,iyadoo Cambaarayntasina ay ugu dambeyeen Ururda Midowga Africa iyo Jaamacadda Carabta.



Wariye:-C/llaahi Cabdi Xadi
Loveborama Online
Xadiyare5@hotmail.com
Borama Somaliland

Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid oo Qaraxii shalay lagu dilay wasiirkiisii Amniga Qaranka ku eedeeyay kooxo uu ku sheegay qaswadayaal


Loveborama Online NAIROBI
Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke Ra'iisul wasaaraha xukuumadda KMG Soomaaliya oo warbaahinta shalay galinkii danbe kula haday magaalada Nairobi ee xarunta Kenya ayaa si kulul u cambeereeyay Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay dilay wasiirkiisii Amniga Qaranka Cumar Xaashi Aadan.

Ra'iisul wasaaraha xukuumadda KMG Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa qaraxaas ismiidaaminta ahaa ee lagu dilay mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen Cumar Xaashi iyo C/kariim Faarax Laqanyo iyo dad kalaba wuxuu ku eedeeyay in ay ka danbeeyeen kooxo ugu yeeray Qaswadayaal Soomaaliya ku Sugan oo u adeegaya dad shisheeye oo ka horjeeda in nabad ku soo dabaalidadda dalka Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

Maalintii Shalay ayaa Shir jaraa’id oo uu isna qabtay madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaa uu dhankiisa Cambaareeyay falkii lagu dilay Wasiirkii Amniga Qaranka dowladda KMG Soomaaliya Cumar Xaashi Aadan isagoo falkaasi dusha kaga Tuuray kooxo uu ku tilmamay Al Qaacida.
Xarakarul Shabaabul Mjaahidiin ayaa iyana Sheegtay qarxii gil gilay shalay magaalada Baladweyne kaasoo ay ku geeriyoodeen xubno dowladda KMG Soomaaliya ay u soo wakiilatay gobolka Hiiraan oo uu horkacayay Wasiirkii Amniga Qaraan Cumar Xaashi Aadan


Wariye:-C/llaahi Cabdi Xadi
Loveborama Online
Borama Somaliland

Thursday, June 18, 2009

Madaxwyne Sheekh Shariif oo Qaraxii lagu dilay wasiirka Aminaga qaranka ku eedeeyay kooxo uu ku sheegay Al qacida

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa qaraxii maanta lagu dilay wasiirka Amniga Dowladda KMG Soomaaliya Cumar Xaashi Aadan waxaa uu ku eedeeyay in ay ka dambeeyaan kooxo uu ku sheegay in ay yihiin Al Qaacida.

Kadib shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xarunta madaxtooyada dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu kaga hadlay arimo badan oo uu ugu dambeeyay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee maanta barqadii lala eegtay Hoteelka ay ku sugnaayeen masuuliyiin ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya.

Waxaa uu madaxweynihu sheegay in qaraxaasi uu ahaa qarax argagixiso islamarkaana ay ka dambeeyeen Ururka Al Qaacida sida uu hadalka u dhigay,isagoona intaasi raaciyay in maalinba maalinta ka dambaysa ay dalka ku soo kordhayaan dad Ajanabi ah oo uu sheegay in ay duulaan ku soo qaadeen dalka Soomaaliya oo Al qaacida ay u aragto meel ay ka duuli karto sida uu carabka ku dhiftay.

Madaxweyne Sheekh Shariif waxaa uu sidoo kale guulo ka sheegtay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho kuwaasi oo uu sheegay in ay kula wareegeen deegaano fara badan oo ay ku sugnaayeen xoogaga ka soo horjeeda dowladda.

Mar la weydiiyay sheekh shariif sheekh Axmed joogitaanka AMISOM iyo watigii loo kordhiyay ciidamadaasi ayaa waxaa uu sheegay in AMISOM ay lagama maarmaan u tahay joogitaankeeda dowladda KMG Soomaaliya.

Ugu dambayntii madaxweynaha waxaa uu sheegay in ay Si kumeel gaar ahaan ah ay u dhiseen maxkamaddii ciidanka taasoo uu shegay in gudoomiye KMG ah looga dhigay Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka C/raxmaan faarax Janaqow.

Tafatire:- Abdirizak Hassan Mohamed
Loveborama Online
Duceysane11@hotmail.com
Borama Online