Monday, June 22, 2009

Shiikh Aadan Madoobe "Awoodii Dowladda waa wiiqantay, Hal kilo-mitir ayay madaxtooyada u jiraan"

Gudoomiyaha Baarlamaanka soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shaaca ka qaaday in awooda dowladda ay wiiqantay, kadib markii uu sheegay in ciidamada dowladda dagaalo looga soo qabsaday meelo ka mid ah caasimada. Shiikh Aadan Madoobe ayaa cadeeyay in kooxaha dowladda ka soo horjeeda ay Madaxtooyada Villa Soomaaliya u jiraan Hal kilo-mitir, isla markaana la doonayo in la bad baadiyo jiritaanka iyo qaranimada dowladda. "Awoodii dowladda waa wiiqantay, hal kilo-mitir ayaa loo jiraa madaxtooyada,waxaana caalamka ka codsaneynaa in ay si deg deg inoo caawiyaan"ayu yiri Shiikh Aadan Madoobe oo ku eedeeyay kooxaha dowladda ka soo horjeeda inay la safan yihiin kooxo ajaaniib. Waxaa uu sheegay in dagaalada lagala soo horjeeda ee ka socda magaalada Muqdisho uu hogaaminayo Generaal Pakistan ah, waxaana uu cadeeyay in kooxaha ajaaniibta ee ku sugan magaalada ay gaarayaan ilaa 500 oo dagaalyahan,kuwaasoo uu sheegay inay ku hubeysan yihiin hub casri ah. Gudoomiyaha Baarlamaanka shiikh aadan madoobe ayaa sidoo kale tilmaamay in kooxaha la dagaalamaya ay u socdaan inay tir tiraan jiritaanka soomaaliya,isagoona tibaaxay in calankii dowlada ay tir tireen calan kalena ay ku badaleen sida uu hadalka u dhigay. Dagaalada ka socda muqdisho oo soo bilowday 7-dii bishii May ayay dowladda u muuqataa mid tabarteeda sii laciifeyso,iyadoo hada kaliya ku tashan xoogag shisheeye oo ka difaaca kooxaha ka soo horjeeda


Abdirazak Hassan Mohamed
Loveborama Online
duceysane11@hotmail.com
Borama Somaliland

No comments:

Post a Comment