Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa qaraxii maanta lagu dilay wasiirka Amniga Dowladda KMG Soomaaliya Cumar Xaashi Aadan waxaa uu ku eedeeyay in ay ka dambeeyaan kooxo uu ku sheegay in ay yihiin Al Qaacida.
Kadib shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xarunta madaxtooyada dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu kaga hadlay arimo badan oo uu ugu dambeeyay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee maanta barqadii lala eegtay Hoteelka ay ku sugnaayeen masuuliyiin ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya.
Waxaa uu madaxweynihu sheegay in qaraxaasi uu ahaa qarax argagixiso islamarkaana ay ka dambeeyeen Ururka Al Qaacida sida uu hadalka u dhigay,isagoona intaasi raaciyay in maalinba maalinta ka dambaysa ay dalka ku soo kordhayaan dad Ajanabi ah oo uu sheegay in ay duulaan ku soo qaadeen dalka Soomaaliya oo Al qaacida ay u aragto meel ay ka duuli karto sida uu carabka ku dhiftay.
Madaxweyne Sheekh Shariif waxaa uu sidoo kale guulo ka sheegtay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho kuwaasi oo uu sheegay in ay kula wareegeen deegaano fara badan oo ay ku sugnaayeen xoogaga ka soo horjeeda dowladda.
Mar la weydiiyay sheekh shariif sheekh Axmed joogitaanka AMISOM iyo watigii loo kordhiyay ciidamadaasi ayaa waxaa uu sheegay in AMISOM ay lagama maarmaan u tahay joogitaankeeda dowladda KMG Soomaaliya.
Ugu dambayntii madaxweynaha waxaa uu sheegay in ay Si kumeel gaar ahaan ah ay u dhiseen maxkamaddii ciidanka taasoo uu shegay in gudoomiye KMG ah looga dhigay Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka C/raxmaan faarax Janaqow.
Tafatire:- Abdirizak Hassan Mohamed
Loveborama Online
Duceysane11@hotmail.com
Borama Online
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment