Friday, June 19, 2009

Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid oo Qaraxii shalay lagu dilay wasiirkiisii Amniga Qaranka ku eedeeyay kooxo uu ku sheegay qaswadayaal


Loveborama Online NAIROBI
Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke Ra'iisul wasaaraha xukuumadda KMG Soomaaliya oo warbaahinta shalay galinkii danbe kula haday magaalada Nairobi ee xarunta Kenya ayaa si kulul u cambeereeyay Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay dilay wasiirkiisii Amniga Qaranka Cumar Xaashi Aadan.

Ra'iisul wasaaraha xukuumadda KMG Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa qaraxaas ismiidaaminta ahaa ee lagu dilay mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen Cumar Xaashi iyo C/kariim Faarax Laqanyo iyo dad kalaba wuxuu ku eedeeyay in ay ka danbeeyeen kooxo ugu yeeray Qaswadayaal Soomaaliya ku Sugan oo u adeegaya dad shisheeye oo ka horjeeda in nabad ku soo dabaalidadda dalka Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

Maalintii Shalay ayaa Shir jaraa’id oo uu isna qabtay madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaa uu dhankiisa Cambaareeyay falkii lagu dilay Wasiirkii Amniga Qaranka dowladda KMG Soomaaliya Cumar Xaashi Aadan isagoo falkaasi dusha kaga Tuuray kooxo uu ku tilmamay Al Qaacida.
Xarakarul Shabaabul Mjaahidiin ayaa iyana Sheegtay qarxii gil gilay shalay magaalada Baladweyne kaasoo ay ku geeriyoodeen xubno dowladda KMG Soomaaliya ay u soo wakiilatay gobolka Hiiraan oo uu horkacayay Wasiirkii Amniga Qaraan Cumar Xaashi Aadan


Wariye:-C/llaahi Cabdi Xadi
Loveborama Online
Borama Somaliland

No comments:

Post a Comment