Duqeyntii ugu cusleyd ayaa galabta casir liiqii xilli uu gabalka sii dumayay ka dhacday Xaafado ka tirsan Degmooyinka Yaaqshiid iyo Shibis,iyadoona duqeyntan ay aheyd mid madaafiic xoogan laga soo ridayay Xarunta Madaxtooyada,taasoo sida roobkii oo kale ugu hoobaneysay xaafadahaas. Madaafiicda oo si baas ah usoo dhacayay ayaa bartilmaameedkooda ahaa Sarta Sanca,halkaasoo ay fuuleen Xoogaga Mucaaradk,waxaana sartaas aheyd mid si ba'an loo duqeeyay. Sida ay sheegayay wararka madaafiicda loo adeegsaday sartaas oo ahaa kuwo cabir ah, ayaa ahaa hubkii ugu cuslaa oo ay dowladda adeegsato mudooyinkan,waxaana dadka muqdisho uu hugunka madfacan uu noqday mid uga duwanaaday madaafiicdii hore oo dadka reer muqdisho ay u bixiyeen magacyo ay ku gartaan, balse kii maanta ayaa u waayay magac,maadaama uu isla wada gariiray min goobta laga tuurayay ilaa meelaha ka fog. Inta la hubo ilaa hal ruux ayaa madfac jawaab ahaa ku dhintay agagaarka Xaafada Nasiib Buunde, waxaana dad kale oo ku sugnaa xaafadahaas soo gaaray dhaawac, inkastoo ay tahay xilli habeen ah ayaa suura hal noqon karta in qasaaraha uu intaas ka bato. Madaafiicda Maqribkii lagu soo garaacay degmada shibis ayaa waxa ay baqdin ku abuurtay dadka tirada yar ee ku haray degmadaas ,durba waxaad ku arkeysaa degmada shibis dad ka barakacaya oo afka aadiyay dhankaa iyo degmada Xamar weyn
Abdirazak Hassan Mohamed
loveborama Online
duceysane11@hotmail.com
Borama Somaliland
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment