
Sunday, 24 May 2009 09:40
Safiirka ku-meel-gaarka ah ee Dawlada Federaalka Soomaaliyeed u fadhiya dalka Suuriya Maxamuud Muuse Tareey (Gacmo-Gaab)ayaa amar ku-siiyay inuu wadanka Suuriya uu 48-saacadood gudahood borsooyinkiisa xir-xirto Engineer Xuseen Yaaasiin Godo-Godo,oo maalmahan booqasho gaaban ku soo gaaray magaalada Dimishiq,hadii uu 48-saacadood dalka ooga bixi-waayana wuxuu wacad ku-maray , inuu la kulmi-doono ciqaab isugu-jirta dil iyo xarig,wuxuuna ku eedeynayaa Gacmo-Gaab in maqaal ku soo baxay Webka caalamiga ee Calanka oo ku saabsanaa fadeexad iyo musuq-maasuq ka-taagan Safaarada oo isu-bedeshay Cabdala Shideeyihii Bakaaraha inuu isaga qoray,inkastoo baaritaan-dheer kadib ay ogaadeen Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Suuriya,inuu maqaalkaas qoray suxufi lagu magacaabo (Cali Muxiyadiin Cali)sida-ku-cad halkan
(Muuqaalka Ninka dhaarta ku-maray inuu ciqaabi-doono Eng-Godo-Godo,dhalashada dalka Holland ayuu heystaa)
Shabakada ShacabkaMedia oo khadka Telefoonka kula xiriirtay Godo-Godo ayaa noo sheegay in si fool-ka-fool-ah loogu sheegay inuu wadanka isaga baxo hadii kale muuqiisa iyo maqalkiisa la weyn-doono
"Hadii aadan dalka Suuriya ooga bixin 48-gudahood waxaad mareysaa halkii uu maray Jamaal oo isagu safaarada afduubtay usbuuc ka-hor,kadibna si-xun loo soo garaacay,hooyadiisna loo soo celiyay isagoo meel-walba la je-jebiyay"Walaahi inaan muuqaaga la arkeynin ee orod wiil-yahoow boorsooyinka xir-xiro inta aad fiyoowdahay ayuu si fool ka-fool ah Safiirka ku-meel-gaarka ah Maxamuud (Gacmo-Gaab)oogu hanjabay Godo-Godo.
Hadaba anigoo ah Suxufi Haashim Qaasim oo ku nool magaalada Dimishiq ee dalka Suuriya waxaan ku war-gelinayaa dhamaan Suxufiyiinta Soomaaliyeed,Ehelka iyo Qaraabada Eng-Godo-Godo iyo dawlada Norwey,inaad la socotaan xaaladiisa maadaama hanjabaad iyo caga-jugleyn hawada loo soo mariyay,inkastoo uu ii sheegay inuu xiriir la sameeyay Dawlada Suuriya qaasatan qolooyinka amaanka,oo iyagu balan-qaaday inay il-gaar-ah ku-heyn-doonaan,xaaladiisa.
Waxaa xusid mudan in Qunsulka Safaarada Dimlomaasi-sare Maxamed Tareey (Deeqsiyoow)uu si aad ah ooga xumaaday kolkii uu maqlay caga-jugleynta uu Safiirka u jeediyay Eng-Godo-Godo,wuxuuna kula taliyay inuu ka waantoobo mu'aamaraatka uu maleegayo,maadaama waxaan ceeb iyo fadeexad ah aysan soo kordhineyn,runtiina anigoo ah Suxuifi Haashim Qaasim,waan ooga mahad-celinayaa Maxamed xilkasnimada uu muujiyay.
Wixii ku soo kordho hanjabadaaha iyo afduubka lala damacsan-yahay Eng-Xuseen Yaasiin Godo-Godo oo maalmahan booqasho gaaban ku soo gaaray dalka Suuriya kala soco warkeena dambe hadii Eebe Idmo.
Hadaba dhamaan inta bar-garneysa muuqaalka ninkan oo wacad ku-maray inuu tarxiili-doono,ama ciqaabi-doomo ama afduubi-doono,sidii uu u afduubay wiilkii maskiinka ahaa ee Muusa-dheriga ahaa magaciisana ahaa (Jamaal)ee uu 8-beri ka-hor ku diray gaangiistaro,waana ka suurtoowdaa inuu Eng-Godo-Godo sida Jamaal oola dhaqmo,sidaas daraadeed anigoo ah Haashim Qaasim oo ka tirsan suxifiyiinta ShacabkaMedia,waxaan idinku-wargelinayaa inaad il-gaar ah aad ku-heysaan arintan oo aydan dhayalsan.