Sunday, May 24, 2009

Ururka Ardayda S/land Ee Bangladesh Iyo Xuskii Munaasibada 18 May






May 21st, 2009
Dhaka-(loveborama)-Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo lagu xusayay maalinta xornimada Somaliland ee 18 MAY ayaa caawa fiidkii lagu qabtay HOTEL EFES ee caasimada Dhaka ee dalka Bangladesh.
Xafladan oo ahayd mid si heersare ah loo soo agaasimay waxa ka soo qayb galay ardayda Somaliland ee wax ka barata guud ahaan jaamacadaha ku yaal dalka Bangladesh.

Waa markii ugu horaysay ee laga xuso maalinta madaxbanaanida Somaliland dalka Bangladesh islamrkaana waa munaasibadii ugu balaadhnayd ee kulmisay ardaydii ugu tirada badnayd abid.
Qabanqaabada munaasibadan waxa hormood ka ahaa ururka ardayda Somaliland ee Bangladesh(Somaliland Student Association In Bangladesh, (SSAB). Ugu horayn waxa munaasibaa ka hadlay gudoomiyaha ururka ardayda Eng Maxamed Cabdilaahi Xuseen(Shiine), waxaana gudoomiyuhu ka hadlay taariikhda,sababihii loo aasaasay iyo waxqabadka ururka mudadii uu jiray iyo ahmiyada ay leedahay midnimada,isku duubnaanta iyo wada shaqaynta ardayda dhexdooda. Gudoomiyuhu isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Ururka ardayda Somaliland ee Bangaladesha waxa uu soo maray marxalado kala gedisan, waxaana urura loo aasaasay isku xidhka,daryeelka iyo kor u qaadista tayada waxbarasho ee ardayda Somaliland ee ku nool B/dhesh.

Sidoo kale gudoomiyuhu waxa uu ku dheeraaday ahmiyada munaasibadani u leedahay ururka iyo guud ahaanba umada Somaliland waxaana uu yidhi “ Sharaf iyo farxad weyn bay inoo tahay inaynu markii ugu horaysay halkan uga debaaldegno maalinta madaxbanaanida S/L ee 18 MAY, Maanta waxay inoo leedahay qiime weyn waana maalin ku xardhan quluubteena waxaana ay astaan u tahay jiritaankeena qaranimo. Mar hadii ardayda S/L ee wax ka barata Bangladesh yihiin qeyb kamida kamida bulshada isla markaana yihiin wakiilo rayida oo metelaya S/L waxaa lagama maarmaan ah inaynu muujino,xusno una dabaal degno maalintan oo kale.
Waxa isna munaasibadaas haddal kooban ka soo jeediyay Gudoomiye ku xigeenka ururka Eng Cali Xuseen Nuur, waxuuna halkaa ka soo jeediyay hadalo isugu jira guubaabin,talooyin iyo dhiirigelin ku wajahan ka faaiidaysiga fursadaha waxbarasho ee dalka Bangaldesh, waxaana hadalkiisa kamid ahaa “” Waxaan idinku dhiirigelinayaa inaynu ka faaiidaysano fursadaha waxbarasho ee wadankani isla markaana xaqiijino hadafkii aynu dalkan u nimid oo ah inaynu ka korodhsano cilmiga iyo technologyada wadankan, waxaan soo dhawaynaynaa islamarkaana si deeqsinimo oo buuxda wax ugu qabanaynaa ardayda danaynaysa inay wax ka bartaaan Bangladesh.

Waxa sidoo kale munaasibadaas ka hadlay Eng Khadar Cabdi Kheyre iyo xidhiidhiyaha munaasibadaas Eng C/risaaq Yuusuf Cadaani iyo Cawaale yare oo kamida ardayda cusub ee sanadkan timid Bangladesh.
Xafladana ayaa waxa ay ku soo gebogebowday Jawi farxadeed iyagoo ardaydu isugu hambalayaynayay farxada maalintani leedahay .


Abdirazak Hassan ( Duceysane ) LoveBorama Online
duceysane11@hotmail.com
love-borama@hotmail.co.uk
Borama Somaliland

No comments:

Post a Comment