Tuesday, May 19, 2009

warbixin cusub


waxan ahay suldaan sare oo katirsan suldaanada caan ka ah waxaanan daganaahy magaalada borama sidaa artaad hadad ubaahato walaal waxaad igala soo xidhiidhaa website kan adoo raaliya iyo wixii dhib kusoo gaadha walal waxaanan la iyiraahdaa suldaan Cabdirisaaq Suldaan Xasan oo loo yaqaan Suldaan Ducaysane oo ah suldaanada Awdal

ahna waliba suldaanada soomaaliyed


diyaaruye : salmaan






Cidamo Ethiopian ah ayaa waxaa ey saakay soo gareen degaano ka tirsan gobolka Hiiraan gaar ahaan halka loo yaqaan Kalabeyrka ee duledka magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiran.Ciidamadan ayaa ku hubeysan gaadiidka dagaalka mana layaqaan ilaa iyo iminka sababta ey u soo galeen halkaasi, waxaana ay kasoo gudbeen xaduudka u dhaxeyo gobalka Hiiran uu la leeyahay dalka Ethiopia ee Feer-Feer.Magaalada B/weyne ayey ciidamadani usoo jiraan hada 25-km, waxaa cabsi laga dareemayaa gudaha magalada Baladweyne oo ey ku sugan yihiin kooxaha Islaamiyiinta.Dhanka kale afhayeen u hadlay xukuumadda Itobia ayaa beeniyay wararkan saakay soo ifbaxay oo laga soo xiganayo dadka deegaanka oo indhohooda ku arkay ciidamadan Itobiayanka ee soo galay gudaha gobolka Hiiraan, waxaana uu sheegay in eysan jirin sabab ey ugu soo laabtaan ciida Somaliya mar hadii ey kasoo bexeen.Arintan ayaa kusoo beegmeysa xilli ey kooxaha Islaamiyiinta ee la dagaashan dowladda Midnimada Qaran ey isu habar wacdeen islamarkaana ey qabsadeen magaalooyin muhiim ah sida Jowhar iyo Mahadaay.Dar-darta Islaamiyiinta ey maalmahan dambe lasoo bexeen ayaa la dhihi karaa wal-wal ayuu ku abuuray dowladda Itobiya oo horay ugula dagaalantay kooxaha Islaamiyiinta mayalka adag gudaha dalka Somaliya, xiligaasoo ey bur-buriyeen Islaamiyiinta oo ey isugu geeyeen howdka xuduuda Kenya iyo Somaliya.

diyaariya ; Axmed c/qaadir




No comments:

Post a Comment