Loveborama
Sunday, May 24, 2009
London, UK (HOL) - Wiil Soomaaliyeed oo da'diisu ay tahay 22 sano jir ayaa lagu dawaynayaa Cisbitaalka Whittington ee ku yaala woqooyiga Magaaladda London kadb markii laga helay Cudurka kusii faafaya dunida ee Durayga Doofaarka (Swine Flu) oo haatan guud ahaan dadka uu ku dhacay ee ku nool dalkan britain ay gaarayaan 122 qof, dadkaasi 66 kamid ah waxaa ay ku noolyihiin Magaaladda London Inkasta oo ay jiraan tiro soomaali ah oo wali baaritaano lagu wado cisbitaaladda dalkan ayaa haddana Abdirisaaq Muuse waxaa uu noqonaya qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo uu ku dhacay cudurkan la xaqiijiyay. Wiilkan Soomaaliga ah waxaa uu u sheegay walaashiis mar aan ka codsaday sida uu u arko in laga hadlo arintiisa in aanu waxba ka qabin isla markaasna uu ka warami doono cudurka ku dhacay marka uu kasoo baxao Cisbitaalka, waxaana uu sheegay in loo baahan yahay in la badiyo taxadarka iyo Feejignaanta sidii looga hortagi lahaa cudurkan oo guud ahaan fara ba'an ku haya dadka Caalamka ku nool inbadan oo kamid ah. Wiilkan oo Maalinkii Arbacadda laga helay cudurkan oo aan la ogayn halka uu kasoo qaaday isla markaana aan ka iman dalka dibadiisa ayaa wali la baarayaa halka uu kasoo qaaday Jeermiska dhaliya cudurkan iyadoo haatan xaaladiisu ay kasoo raynayso. sidoo kale waxaa la baaray dhamaan qoyskii uu kula noolaa guri ku yaala Woqooyiga Magaaladda London oo laga waayay cudurkaasi. Hanaan Muuse oo ay walaalo yihiin wiilkaasi , isla markaana ay isku meel ku noolaayeen ayaa iyadoo ku sugan cisbitaalka waxaa ay tiri" Maalinkii uu ku dhacay iyo Maanta farqi aad u wayn ayaa u dhexeeya, oo haatan waa uu kasoo kabsanayaa kadib markii dawayn lagu sameeyay, aad ayaan uga naxnay markii aan maqalnay in uu ku dhacay cudurka, laakiin sidii aan uga cabsanaynay naguma dhicin oo anagiina waan caafimaad qabnaa isagiina waa uu soo caafimaadayaa". Hay'adda caafimaadka ee ka hortagga Cuduradda oo aan la xiriiray si aan u waydiiyo tiradda soomaalida ee uu cudurkani ku dhacay ayaanay ii suurtagalin, iyadoo inta badan aysan maanta shaqaynayn shaqaalaha xafiiskaasi, Hay'adda caafimaadka ee WHO ay sheegtay in wali cudurkan uu si xawli ah ku faafayo. Dadka soomaalidu waxaa qaar badan ay ku liitaan dhanka Taxadarka, sidoo kale waxaa inbadan ay aaminsanyihiin fikraddo Been ah oo ku saabsan in cudurka aanu ku dhacayn iyo arimo kale oo fara badan. Fadlan akhri siyaabaha ugu muhiimsan ee cudurka looga hortagi karo:
1- Isticmaal Fasaleetiga marka aad qufacayso ama aad hindhisayso. 2- Iska dhaq gacmaha markasta oo aad ka shakiso ama aad u aragto muhiim. 3- isticmaala Dawadda hand sanitizers oo markasta aad jeebka ku wadan karto adigaa ku dhiijisanaya gacmaha oo inta badan uu Virusku ku yimaado. 4- ka fogow goobaha ay dadka badan isugu yimaadaan. 5- La xiriir dhakhaatiirta hadii aad dareento in uu kugu dhacay cudurkan oo calaamadihiisa ay kamid yihiin, Caloo-xanuun, madaxweareer, qandho, matag, tabar-darro, hindhiso, qufac iyo qalayl dhanka dhuunta ah. 6- Salaanta iyo dhunkashada oo aad looga taxadaro.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment