



Magaalada Caasimada ah Ee Muqdisho ayaa waxa ay Caawa U Muuqataa Mid Guud ahaanba ay Farujiyeen dadkii tirada yaraa Ee iyagu Rajada Ka qabay in ay mar uun heli Doonaan Nabad ayaa waxa ay Caawa iyagoo Niyad jabsan isaga hayaameen.
Dadka tirada yaraa Ee ku sugnaa goobaha ka baxsan dagaalda ayaa waxa Sameyn balaaran ku Yeeshay Madaafiic aan Loo meel dayin oo Manta ilaa galabta lagu Garacayay Goobo Fara badan oo ka tirsan Magaalda Muqdisho.
Dadka tirada yaraa Ee ku sugnaa goobaha ka baxsan dagaalda ayaa waxa Sameyn balaaran ku Yeeshay Madaafiic aan Loo meel dayin oo Manta ilaa galabta lagu Garacayay Goobo Fara badan oo ka tirsan Magaalda Muqdisho.
Xaafadaha Ugu badan Ee Caawa laga hayaamayo ayaa waxa Kamida Hodan,Howlwadaag,Wardhigley,Xararyaale iyo aga gaarka Tira Buunka Ee Magalada Muqdisho,Qaxa caawa laga Dareemayo Ama lagu arkay ayaa waxa uu Mujinayaa in ay Dadkii Ugu Dambeyay Magaladan Isaga Carareen iyagoona Guus Ka Muujiyay In Ay ku Noladaan Magaalada Muqdisho oo Marti U Noqotay Dagaalo aaan dhamaan laheyn Soona Noq-noqday Marar badan.
Haweeney ka Mida Dadka Degaanka Wardhiigley oo La hadleysay Dayniile Xili ay ku Guda jirtay Daabulida aalabaheda ayaa waxa ay ku Catowday" Ilaahow adaa qaadira,Ma aqaano Meel aan U socdo,Ma aqaano Gurigeyga Qof aan uga tago, Ilaahow Inoo Naxariiso" iyadoo ay Ka Muuqato Wel-Wal Iyo Jaha wareer Fara badan.
“Dadka Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay markaan Quus ka Muujinayaan Ku sii Noolaasha Caasimada Muqdho Madaam ay Sacad walba dhici karaan Dagaalo,Dadkuna ay Yihiin dareen ku joog Iyadoona ay Is Hor Fadhiyaan Qolyihii Magalada Ku Dagalamay.
Diyaariye Abdirazak Hassan
Tifatiraha Wabka Loveborama.blogspot.com
No comments:
Post a Comment