Sunday, May 24, 2009

Naftii hure ajnabi ah oo isku qarxiyay xero ey ciidamada dowladdu ku sugnaayeen

Axad, May 24, 2009
Qof isa soo miidaamiyay oo ey saraakiisha ciidamada mileteriga dowladda Somaliya ku sheegeen in uu ahaa ajnabi gaari looga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa waxaa uu maanta isku qarxiyay xero ey ku sugnaayeen ciidamada dowladda taasoo ku taan xaafadda Xamar Jab-jab (Keydkii hore ee shidaalka).Ninkan isqarxiyay ayaa qaraxiisu waxa uu galaaftay ilaa 1-askari iyo dhaawaca labo kale, sida ey inoo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan maamulka gobolka Banaadir oo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana ey sheegeen in naftii huruhu ahaa qof ajnabi ah islamarkaana qeybo ka mid ah jirkiisa ey wali goobta yaalaan.Qaraxan oo dhacay maanta duhurkii ayaa waxaa uu ka dhacay iridka hore ee xerada, waxaana uu doonayay ninka isqarxiyay in uu xoog ku jiiro albaabka hore oo ey ku sugnaayeen ilaalo ka tirsan ciidamada dowladda.Askarta ayaa rasaas huwiyeen naftii huraha oo xawaare dheereeya ku waday gaariga, waxaana uu qaruxu la kacay ilinka laga galo xeradaasi.Gudoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir C/fitaax Shaawey ayaa sidoo kale xaqiijiyay qaraxan in uu ka dambeeyay naftii hure ajnabi ah mar uu wareysi siinayay idaacadaha magaalada Muqdisho.Horay ayaa waxaa falal isqarxin ah waxaa ka fuliyay magaalada Muqdisho kooxda Al-Shabaab kuwaasoo iminka lagu eedeynayo in ey koonfurta Somaliya ku hayaan in ka badan 400 oo ajaanib jihaad doon ah kuwaasoo kasoo kala safray dalal ka ey ka mid yihiin Afghanistaan, Yemen, Kenya iyo carabaha.Falalka ismiidaaminta ah ayaa ku cusun gayiga Somaliya.
Abdirazak Hassan ( Duceysane ) LoveBorama Online
duceysane11@hotmail.com
love-borama@hotmail.co.uk
Borama Somaliland

No comments:

Post a Comment