
Kumamaan dadweyne Muslimiin ah ayaa Salaadii Jimcaha kadib isugu soo baxay bartamaha magaalada Athens, kuwaasi oo ka soo horjeeday xadgudub loo geystay Kitaabka Qur'aanka Kariimka kadib markii shalay mid ka mid ah ciidamada Booliska dalkan ay baaris ku sameeyeen dhalinyaro u dhashay dalka Siiriya, kuwaasi oo ciidamada jeebabkooda ka helay Kitaabka Qur'aanka Kariimka kadibna si jees jees ah u jeex-jeexay, kuna rabeeyeen (Istaagay) Kitaabkii.Dibadbaxayaasha oo aad isu soo abaabulay ayaa waxay isugu tageen afka hore ee dhismaha Baarlamaanka dalkan kuwaasi oo ku qeylinayey Allahu Akbar iyo erayo kale oo ay ugu soo horjeedeen arintaasi.Ciidamo Boolis ah oo aad u tiro badan ayaa dadweynaha ku furay sunta dadka ka ilmeysiisa iyo rasaasta loogu talagalay in lagu kala eryo dibadbaxayaasha, waxaana sii xoogeystay dibadbaxa oo dadweynaha ay bilaabeen in ay tuuryeeyaan Booliska iyo xarumaha Dowladda.Dadweyne careysan ayaa wadooyinka socod ku marayey kuwaasi oo gubayey Gaadiidka wadooyinka yiilay iyagoo jajabinayey muraayadaha iyo wixii ka horyimaada.Mudo saacado ah kadib ayaa Boolis fara badan oo ku socday Mootooyinka dheereeya waxaa ay si awood leh u soo dhex galeen dibadbaxayaashii, iyagoo la dhacayey budud iyo xarig, waxayna gacanta ku dhigeen Booliska dhalinyaro fara badan oo ay u geysteen jirdil, waxaana loo taxaabay xabsiyada dalkan.Culumaa'uddiin u dhashay dalalka Islaamka sida Bangaladhes, Ciraaq, Afghanistan, Suuriyaan, Soomaali iyo ajaaniib kale oo Islaam ah kana muuqatay caro xoogan ayaa hadalo ka jeediyay meel fagaare ah oo aan ka fogeyn xarunta Baarlamaanka dalka Greece ee Athens, kuwaasi oo codsanayey in la tixgeliyo Diinta Islaamka iyo Diimaha kale lana joojiyo xadgudubyada ay ciidamada Booliska dalkan u geysanayaan dadka Muslimiinta iyo Diimahooda.
Wariye
Abdirazak Hassan Mohamed ( Duceysane )
No comments:
Post a Comment