Saturday, May 23, 2009

Musharaxa M/Xigeenka Xisbiga Ucid Md. Maxamed Rashiid Sh. Xasan Oo Barri Lagu Wado Inuu Booqasho Ku Yimaado Boorama


Musharaxa M/Xigeenka Xisbiga Ucid Md. Maxamed Rashiid Sh. Xasan Oo Barri Lagu Wado Inuu Booqasho Ku Yimaado Boorama
Posted in May 22nd, 2009
by lug in News
Boorama-(Lug)-Waxa lagu wadaa in uu maalinta bari ah soo gaadho magaalada Boorama wafdi sare oo uu hogaaminayo Musharaxa Madaxwayne Ku Xigeenka Xisbiga UCID Md. MAxamed Rashiid Sh. Xasan Guuleed oo uu wehelinayo Afayeenka xisbiga Ucid Md. Xasan Xuseen Codyare.
Booqashada wafdigan ayaa waxa lagu wadaa in ay qaadato mudo 3 maalmood ah, sidoo kale gudoomiyaha gobolada SALAL iyo AWDAL ee xisbiga UCID Md. Axmed Muumin Seed oo Lughaya news uga waramay ujeedada wafdiga barito ku soo fool-leh ayaa yidhi ” Waa Wafdi balaadhan waxa aan isu diyaarinay in aan si wayn u soo dhowayno, hadii alle idmo maalinta Bari ah waxa ay taageerayaasha xisbiga kala hadli doonaan xarunta Xisbiga, waxa kale oo ay ka qaybgali doonaan xaflado loo samaynayo taageerayaal badan oo xisbiga ku soo biiray, waxa kale oo ay shiray kala duduwan la yeelan doonaan mudada ay joogaan masuuliyiinta xisbiga UCID ee goboladaAwdal iyo SALAL.

No comments:

Post a Comment