Sunday, May 24, 2009

Xulka Gobolka Awdal iyo Jaamcadda Camuud Oo Maanta Ciyaar Saaxiibtinimo Wada Ciyaaray

























































































(loveBorama)-Galabta ayaa waxa ay ciyaar Kubada Cagta ah oo aad u xiiso badani ku dhex martay garoonka Kubada Cagta ee Sh. xasan Muumin ee Magaalada Boorama xulka kubada Cagta ee gobolka Awdal iyo xul kale oo ku ciyaarayay magaca Jaamacada Camuud.
Ciyaartan galabta oo ahayd mid aad u xiiso badan loooguna dabaaldagayay sanadguurada 18aad ee gooni-isu-taagii Somaliland ayaa waxa daawashadeda ka so qayb galay dadwayne aad u tiro badan oo sawaxan sacab iyo qaylo isku jiibinayay
Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa waxa u suurto gashay ciyaaryahanada xulka gobolka Awdal in ay shabaga la hubsadaan goolkii u horeeyay, goolkaas oo uu u saxeexay ciyaaryahan Cabdi Carabloo. balse ciyaartu sidaas kuma dhamaan waxana ay ciyaaryahanadii jaamacada Camuud qaadeen weeraro xidhiidh ah oo ay u suurto gashay in ay keensadaan goolkii barbarada goolkaas oo uu u dhaliyay ciyaaryahan Samatar.

Natiijadii ciyaartii galabta ayaa waxa ay ku dhamaatay 1 : 1 barbaro ah.













































Abdirazak Hassan ( Duceysane ) LoveBorama Online
duceysane11@hotmail.com
love-borama@hotmail.co.uk
Borama Somaliland

No comments:

Post a Comment