Axad, May 24, 2009(HOL): Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Oomaar oo wareysi siiyay Wargeyska Asharq Al-Awsat ayaa sheegay in ay Dowladdiisa ku talageleyso in ay dib u hanato gacan-ku-heynta guud ahaan magaalada Muqdisho, wuxuuna beeniyay warar sheegaya in Dowladda Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka yahay Shiikh Shariif Shiikh Axmed ay burbureyso.
Oomaar waxaa uu intaas ku daray in boqolaal dagaalyahanno shisheeye ah oo xiriir la leh Al-Qaacidda ay ka qeybqaadanayaan dagaalka looga soo horjeedo Dowladda Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Hoggaamiyaha Al-Qaacidda Osama Bin Laden uu dhawaan ugu baaqay taageerayashiisa ku sugan Soomaaliya in ay af-gembiyaan Dowladda Soomaaliya, isla markaana ay dilaan Madaxweyne Shiikh Shariif.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Oomaar oo sii hadlayay waxaa uu ku eedeeyay Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya in ay doonayaan in ay meel-mariyaan ujeeddooyin shisheeye uu wato.
Sidoo kalena, wuxuu si xooggan u dhaleeceeyay Shiikh Xasan Daahir Aweys oo si weyn uga soo horjeeda Dowladda Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Shiikh Xasan uusan wax badan dooneynin nabad iyo geedi-socod dib-u-heshiisiineed, “taasi bedelkeedana wuxuu daneynayaa in uu dagaal ka rido gudaha Soomaaliya"ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya wuxuu qaatay mowqif la mid ah mid uu dhawaan ku dhawaaqay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke, kaasi oo ahaa in kooxaha ka soo horjeeda Dowladda aysan wada hadal dooneynin, waxa kaliya ee ay isku af-garan karaanna uu yahay dagaal, "kooxahan mucaaradka ku ah Dowladda ma lahan barnaamij siyaasadeed, waxa kaliya ee ay doonayaanna waa in ay dalka Soomaaliya ka dhigaan meel ku dhuuntaan Argagixisada Caalamka"ayuu mar kale yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Oomaar.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Oomaar oo isagoo ku sugan Magaalada London ee Dalka Britain wareysigan siiyay Wargeyska Asharq Al-Awsat ayaa ku sii jeeda Magaalada Dimishiq ee Dalka Suuriya, halkaas oo uu ka dhacayo shir ay isugu imaanayaan Wasiirrada Arirmaha Dibadda Dalalka Islaamka

Abdirazak Hassan ( Duceysane ) LoveBorama Online
Borama Somaliland
No comments:
Post a Comment