
Maxay soo kordhin kartaa Khubadda uu maanta ka jeediyay magaalada Qaahira Madaxweyne OBama.
Sida aan la socon waxaa si aad loo dhowrayay khudbada uu ka jeedin doono magaalada Qaahira Madaxweynaha Mareykan-ka Barrack Obama, Iyadoo ay ballanqaadkiisa ku jirtey xilliggii uu ku jirey Ololaha doorashada in uu soo cellin doono xiriir wanaagsan oo dhex mara Mareykanka iyo Muslimka.Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa khudbad dheer ka jeediyay magaalada Qaahira, taasi oo uu dunida Muslimka uu kaga dalbanayo xiriir cusub oo uu la yeesho. haddaan soo qaadano qodobadii ugu muhiimsanaa ee uu ka jeediyay magaalada Qaahira: waxaan halkan u imid magaalada Qaahira waxaan doonayaa buu yiri in aan u sameeyo xiriir wanaagsan Mareykanka iyo wadamada Muslinka ah kaaso ah buu yiri mid ku saleysan dan wada jir loo leeyahay iyadoo la is xushmeynayo, oo taasina ay ku saleysantahay xaqiiqada ah Mareykanka iyo wadamada Islaamka ah wax lakala saarayo oo tartan uu ka dhaxeeyo. laakin wuxuu yiri wax danahooda isku laabmayo islamarkaasina dano wadaag ah uu jiro, mabaadi'da xaga garsoorka iyo isu dulqaadasho iyo xushmeynta xagga baniaadamnida.waxaa kale oo aan aqoonsanahay buu ku yiri khudbadiisa Madaxweyne Barrack Obama in isbadal habeen qura aan lagu sameyn karin, ama hadal qura aan lagu badali karin waxyaabaha is aamin la'aanta ah oo muddo sanado badan soo taagnaa, islamarkaasina buu yiri ma ahan mid aan kaga jawaabi karo dhamaanba arrimo farabadan oo murugsan oo aan halkan ku soo wada qaadi karo, laakin waxaan ku qanacsanahay in hore loo sii socon karo, waxa markaasi ay tahay buu yiri is cad u sheegno waxa qalbiga inoogu jira ay dhacdo mararka qaarkood is daahsoon la isugu sheego, waxay tahay buu yiri in la wado sidii la isu dhageysan lahaa oo labada dhinacba ay isu dhageysan lahaayeen iyadoo qolaba qolada kale ay xushmeyneyso sida Qur'aanka uu yiri buu yiri Adoo Ilaahay aaminsan waa in aad runta sheegto waxanna isku dayi doonaa in aan taas sameeyo.
window.google_render_ad();
Waxa kale uu yiri isagoo ka hadlaya taariikhda Islaamka: Taariikhda Islaamka marka la eego waxaa jirta in Islaamka Deyn badan uu ku leeyahay ilbaxnimada Adduunka ka jirta oo ay ka mid tahay meelaha taas barbaariyay Jaamacada weyn ee Al Azha ee ku taala wadankan Masar oo muddo qarni ah wax lagu baranaayay, waxaan kaloo aan ogahay buu yiri in Islaamka uu ka mid yahay Taariikhda wadanka Mareynka, wadanka Marooko ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee aqoonsado wadanka Mareykanka.Dadka qaar ayaa waxa ay qabaan in arrimaha murugeysan ee ka taagan caalamka ee u dhaxeeya galbeedka iyo wadamada Muslimka iyagoona yiri in khudbadan uu ka jeediyay magaalada Qaahira ay baal dahab ka galli doonto taariikhda, iyagoo dadka qaarna ay yiraahdeen Obama waxa uu ku hadlay erayadii uu adeegsan jirey madaxweynihii isaga ka horeeyay Bush oo farsameysan.
No comments:
Post a Comment