Duqeyntii ugu cusleyd ayaa galabta casir liiqii xilli uu gabalka sii dumayay ka dhacday Xaafado ka tirsan Degmooyinka Yaaqshiid iyo Shibis,iyadoona duqeyntan ay aheyd mid madaafiic xoogan laga soo ridayay Xarunta Madaxtooyada,taasoo sida roobkii oo kale ugu hoobaneysay xaafadahaas. Madaafiicda oo si baas ah usoo dhacayay ayaa bartilmaameedkooda ahaa Sarta Sanca,halkaasoo ay fuuleen Xoogaga Mucaaradk,waxaana sartaas aheyd mid si ba'an loo duqeeyay. Sida ay sheegayay wararka madaafiicda loo adeegsaday sartaas oo ahaa kuwo cabir ah, ayaa ahaa hubkii ugu cuslaa oo ay dowladda adeegsato mudooyinkan,waxaana dadka muqdisho uu hugunka madfacan uu noqday mid uga duwanaaday madaafiicdii hore oo dadka reer muqdisho ay u bixiyeen magacyo ay ku gartaan, balse kii maanta ayaa u waayay magac,maadaama uu isla wada gariiray min goobta laga tuurayay ilaa meelaha ka fog. Inta la hubo ilaa hal ruux ayaa madfac jawaab ahaa ku dhintay agagaarka Xaafada Nasiib Buunde, waxaana dad kale oo ku sugnaa xaafadahaas soo gaaray dhaawac, inkastoo ay tahay xilli habeen ah ayaa suura hal noqon karta in qasaaraha uu intaas ka bato. Madaafiicda Maqribkii lagu soo garaacay degmada shibis ayaa waxa ay baqdin ku abuurtay dadka tirada yar ee ku haray degmadaas ,durba waxaad ku arkeysaa degmada shibis dad ka barakacaya oo afka aadiyay dhankaa iyo degmada Xamar weyn
Abdirazak Hassan Mohamed
loveborama Online
duceysane11@hotmail.com
Borama Somaliland
Monday, June 22, 2009
Shiikh Aadan Madoobe "Awoodii Dowladda waa wiiqantay, Hal kilo-mitir ayay madaxtooyada u jiraan"
Gudoomiyaha Baarlamaanka soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shaaca ka qaaday in awooda dowladda ay wiiqantay, kadib markii uu sheegay in ciidamada dowladda dagaalo looga soo qabsaday meelo ka mid ah caasimada. Shiikh Aadan Madoobe ayaa cadeeyay in kooxaha dowladda ka soo horjeeda ay Madaxtooyada Villa Soomaaliya u jiraan Hal kilo-mitir, isla markaana la doonayo in la bad baadiyo jiritaanka iyo qaranimada dowladda. "Awoodii dowladda waa wiiqantay, hal kilo-mitir ayaa loo jiraa madaxtooyada,waxaana caalamka ka codsaneynaa in ay si deg deg inoo caawiyaan"ayu yiri Shiikh Aadan Madoobe oo ku eedeeyay kooxaha dowladda ka soo horjeeda inay la safan yihiin kooxo ajaaniib. Waxaa uu sheegay in dagaalada lagala soo horjeeda ee ka socda magaalada Muqdisho uu hogaaminayo Generaal Pakistan ah, waxaana uu cadeeyay in kooxaha ajaaniibta ee ku sugan magaalada ay gaarayaan ilaa 500 oo dagaalyahan,kuwaasoo uu sheegay inay ku hubeysan yihiin hub casri ah. Gudoomiyaha Baarlamaanka shiikh aadan madoobe ayaa sidoo kale tilmaamay in kooxaha la dagaalamaya ay u socdaan inay tir tiraan jiritaanka soomaaliya,isagoona tibaaxay in calankii dowlada ay tir tireen calan kalena ay ku badaleen sida uu hadalka u dhigay. Dagaalada ka socda muqdisho oo soo bilowday 7-dii bishii May ayay dowladda u muuqataa mid tabarteeda sii laciifeyso,iyadoo hada kaliya ku tashan xoogag shisheeye oo ka difaaca kooxaha ka soo horjeeda
Abdirazak Hassan Mohamed
Loveborama Online
duceysane11@hotmail.com
Borama Somaliland
Abdirazak Hassan Mohamed
Loveborama Online
duceysane11@hotmail.com
Borama Somaliland
Friday, June 19, 2009
QM oo sheegtay in ay baarayso dhalashada ruuxii Shalay qaraxa Ismiidaaminta ku dilay xubnihii uu ka mid ahaa Wasiirkii qaranka Cumar Xaashi

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Axmed Walad Cabdala oo ka hadlay qaraxii shalay ka dhacay magaalada Baladweyne ayaa waxaa uu sheegay in uu aad uga xunyahay qaraxaasi lagu dilay Wasiirkii Amniga Qaranka dowladda KMG Soomaaliya Cumar Xaashi Aadan iyo xubnihii kale.
Axmed Walad Cadala ayaa waxaa uu intaasi ku daray in baaritaano lagu samaynayo dhalashada Ruuxii naftii huraha ahaa ee shalay Qaraxa ka geystay hoteelka Madiina ee Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka,isagoo tilaamay in la ogaanaya in uu Soomaali ahaa iyo in uu ka yimid wadamada kale ee caalamka sida uu hadalka u dhigay.
Ergayga Qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Axmed Walad Cabdala waxaa uu sheegay in bilihii u dambeeyay Gudaha dalka Soomaaliya ay ku soo qul qulayeen qaar ka mid ah Urur weynaha Al Qaacida oo uu sheegay in uu doonayo Afgambiga dowladda KMG Soomaaliya Sida uu hadala u dhigay.
Waxaa uu intaasi raaciyay in tan iyo markii dowladda KMG Soomaaliya ay soo caga dhigatay gudaha dalka Soomaaliya wax badan ay u suurta galeen in ay wax ka qabato.
Hadalka Qaramada Midoobay ayaa imaanaya xili ay soo baxayaan hadalo badan oo lagu cambaareynayo qaraxii shalay lagu dilay wasiirka Amniga Qaran dowladda kMG Soomaaliya Cumar Xaashi Aadan,iyadoo Cambaarayntasina ay ugu dambeyeen Ururda Midowga Africa iyo Jaamacadda Carabta.

Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid oo Qaraxii shalay lagu dilay wasiirkiisii Amniga Qaranka ku eedeeyay kooxo uu ku sheegay qaswadayaal

Loveborama Online NAIROBI
Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke Ra'iisul wasaaraha xukuumadda KMG Soomaaliya oo warbaahinta shalay galinkii danbe kula haday magaalada Nairobi ee xarunta Kenya ayaa si kulul u cambeereeyay Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay dilay wasiirkiisii Amniga Qaranka Cumar Xaashi Aadan.
Ra'iisul wasaaraha xukuumadda KMG Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa qaraxaas ismiidaaminta ahaa ee lagu dilay mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen Cumar Xaashi iyo C/kariim Faarax Laqanyo iyo dad kalaba wuxuu ku eedeeyay in ay ka danbeeyeen kooxo ugu yeeray Qaswadayaal Soomaaliya ku Sugan oo u adeegaya dad shisheeye oo ka horjeeda in nabad ku soo dabaalidadda dalka Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.
Maalintii Shalay ayaa Shir jaraa’id oo uu isna qabtay madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaa uu dhankiisa Cambaareeyay falkii lagu dilay Wasiirkii Amniga Qaranka dowladda KMG Soomaaliya Cumar Xaashi Aadan isagoo falkaasi dusha kaga Tuuray kooxo uu ku tilmamay Al Qaacida.

Xarakarul Shabaabul Mjaahidiin ayaa iyana Sheegtay qarxii gil gilay shalay magaalada Baladweyne kaasoo ay ku geeriyoodeen xubno dowladda KMG Soomaaliya ay u soo wakiilatay gobolka Hiiraan oo uu horkacayay Wasiirkii Amniga Qaraan Cumar Xaashi Aadan
Wariye:-C/llaahi Cabdi Xadi
Loveborama Online
Borama Somaliland
Thursday, June 18, 2009
Madaxwyne Sheekh Shariif oo Qaraxii lagu dilay wasiirka Aminaga qaranka ku eedeeyay kooxo uu ku sheegay Al qacida
Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa qaraxii maanta lagu dilay wasiirka Amniga Dowladda KMG Soomaaliya Cumar Xaashi Aadan waxaa uu ku eedeeyay in ay ka dambeeyaan kooxo uu ku sheegay in ay yihiin Al Qaacida.
Kadib shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xarunta madaxtooyada dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu kaga hadlay arimo badan oo uu ugu dambeeyay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee maanta barqadii lala eegtay Hoteelka ay ku sugnaayeen masuuliyiin ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya.
Waxaa uu madaxweynihu sheegay in qaraxaasi uu ahaa qarax argagixiso islamarkaana ay ka dambeeyeen Ururka Al Qaacida sida uu hadalka u dhigay,isagoona intaasi raaciyay in maalinba maalinta ka dambaysa ay dalka ku soo kordhayaan dad Ajanabi ah oo uu sheegay in ay duulaan ku soo qaadeen dalka Soomaaliya oo Al qaacida ay u aragto meel ay ka duuli karto sida uu carabka ku dhiftay.
Madaxweyne Sheekh Shariif waxaa uu sidoo kale guulo ka sheegtay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho kuwaasi oo uu sheegay in ay kula wareegeen deegaano fara badan oo ay ku sugnaayeen xoogaga ka soo horjeeda dowladda.
Mar la weydiiyay sheekh shariif sheekh Axmed joogitaanka AMISOM iyo watigii loo kordhiyay ciidamadaasi ayaa waxaa uu sheegay in AMISOM ay lagama maarmaan u tahay joogitaankeeda dowladda KMG Soomaaliya.
Ugu dambayntii madaxweynaha waxaa uu sheegay in ay Si kumeel gaar ahaan ah ay u dhiseen maxkamaddii ciidanka taasoo uu shegay in gudoomiye KMG ah looga dhigay Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka C/raxmaan faarax Janaqow.
Tafatire:- Abdirizak Hassan Mohamed
Loveborama Online
Duceysane11@hotmail.com
Borama Online

Wasiirkii Amniga Qaranka Cumar Xaashi iyo C/kariin Laqanyo oo ku geeriyooday Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Baladweyne

Qarax ismiidaamin ah oo ay ku geeriyoodeen masuuliyiin ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta waxaa uu ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Qaraxaani ismiidaaminta ahaa oo barqanimadii maanta ka dhacay hoteelka Madiina ee galbeedka magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo ay deganaayeen masuuliyiin ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay in uu dhaliyay qasaare aad u balaaran iyadoo dadka ku geeriyooday sida Shabelle loo qaxiijinaya ay ku jiraan masuuliyiin ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya.
Dadka qaraxa ku geeriyooday ayaa waxaa ku jiray Wasiirka Amniga Qaranka dowladda KMG Soomaaliya Cumar Xaashi Aadan iyo safiirkii hore ee dowladda Soomaaliya u fadhiyay dalka Ethiopia C/kariin Faarax Laqanyo iyo ka badan 50-ruux oo ay ku jireen Ciidamada Ammaanka Magaalada Baladweyne iyo dad Shacab ah iyadoo ay ku dhaawacmeen in ka badan intaasi.
Geerida Wasiirka Ammniga ayaa Idaacada Shabelle waxaa u xaqiijiyay Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ee Maxkamadaha Isaamiga ee ku beeray dowladda Sheekh C/raxmaan Ibraahim Macoow oo galabta Shir jaraa'id ku qabtay Buurta Jante Kundhishe,isagoo intaasi ku daray in qaraxii maanta uu ahaa mid qal qal galiyay dadka reer Baladweyne islamaraana argagax lahaa.
Kadib markii qaraxaani barqaninamadii maanta uu ka dhacay Magaalada ayaa waxaa laga dareemay xaalad Kacsanaan ah iyo dhaq dhaqaaq ciidan oo ay wadaan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee halkaasi ku sugnaa oo ay hogaaminayaan masuuliyiintii maxkamadaha islaamiga ee gacanta ku haya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Qaraxaani ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili dhawaan masuuliyiintii maanta geeriyootay oo watay ciidamo fara badan oo lagu so taba baray dalka Ethiopia ay soo gaareen magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan iyagoo halkaasina maalmihii u dambeeyay ka waday kulamo is daba joog ah oo ay la yeelanayen masuuliyiintii maxkamadaha islaamiga ee gobolka Hiiraan.

Tafatire:-Abdirizak Hassan Mohamed
Loveborama Online
Borama Somaliland
Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin oo sheegtay qaraxii Ismiidaaminta ee maanta lagu dilay wasiirka Amniga qaranka Cumar Xaashi iyo C/kariin Laqanyo

Ururka Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa waxaa ay sheegteen qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee maanta barqadii lagu dilay wasiirka Amniga qaranka dowladda KMG Soomaaliya Cumar Xaashi iyo C/kariin Laqanyo oo horay u ahaa safiirkii Ethiopia u fadhiyay Soomaaliya.
Afhayeenka Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin sheekh Cali Max’uud Raage oo Qadka taleefanka Shir jaraa’id ku qabtay kadib qaraxii ka dhacay Baladweyne ayaa waxaa uu sheegay in qaraxaasi ay ku dileen wasiirkii amniga Qaranka dowladda KMG Soomaaliya Cumar Xaashi Aadan oo uu tilmaamay in qaribaad uu ka waday gobolka Hiiraan.
“Mujaahidiinta iyagoo raba in ay u aaraan walaalahooda muslimiinta ah ee la laayay ayaay Mujaahiidiinta mujaahid ka mid ah waxaa uu ku galay camiliyo Isqarxin ah meel ay shir ku heysteen ninkaasi Mujrimka ahaa iyo kuwa Garabkiisa ahaa iyo qoladuu madaxda u aheeyd,halkaasi oo uu Illaah ku halaajiyay kuwii Murtadiinta ahaa”ayuu yiri Afhayeenka Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin.
Hadalka Al Shabaab ayaa waxaa uu imaanaya xili maanta qarax xoogan oo uu ku dhintay wasiirkii Amniga qaran dowladda KMG Soomaaliya Cumar Xaashi Aadan uu ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Abdirizak Hassan Mohamed ( Duceysane)
Loveborama Online
Borama Somaliland
Wednesday, June 17, 2009
In ka badan 100 ruux oo dhimasho iyo dhaawac ay ka soo gaartay madaafiic ciidamada AMISOM ay galabta ku garaaceen xaafado ka tirsan Muqdisho(WARBIXIN
In ka badan 100 ruux oo dhimasho iyo dhaawac ay ka soo gaartay madaafiic ciidamada AMISOM ay galabta ku garaaceen xaafado ka tirsan Muqdisho(WARBIXIN DHEER)
Duqeynta ciidamada AMISOM oo isugu jirtay mid ka soo dhaceysay taangiyada ay ciidamadaasi ku hubeysan yihiin iyo hoobiyeyaal ayaa bilaabatay wax yar ka dib markii xoogaga Islaamiga ah ay weerar loo adeegsaday baasuukeyaal iyo qoryaha fudud ku soo qaadeen qeybo ka mid ah wadada Maka Al Mukarama sida isgoyska Dabka iyo agagaarka gurigii hore ee shaqaalaha oo degan yihiin ciidamada AMISOM, waxaana markii dagaalkaasi uu bilowday oo ku beegneyd 4:30 daqiiqo galabnimo joogsaday socodkii dadka iyo gadiidka ee wadadaasi oo dib u soo laabtay duhurimadii maanta markii ay qaboobeen dagaalo culus oo saaka ka dhacay degmada Hodan meelo ka mid ah, waxaana cabsi aad u xoogan ay soo wajahday dadweynaha ku dhaqan degmada Waaberi oo ka mid ah goobaha fara u tiriska ah ee weli aan laga barakicin magaalada Muqdisho dagaaladana ka badbaaday
Goobaha ay sida darandooriga ah ugu dhaceen madaafiicda AMISOM ayaa waxaa ka mid ah gudaha iyo hareeraha Suuqa Bakaaraha sida Isgoysyada Bakaraaha, H/wadaag, Baar bakiin masaajidka Biyo maalow nawaxigiisa, xaafadaha shanta Geed, Siigaale, Ceel Hindi Suuqii hore ee Ceel garweyne iyo meelo kale oo ka tirsa gudaha Suuqa Bakaaraha goobahaasoo ay ku dhinteen dad gaaraya illaa 15 ruux halka 40 kale dhawaacooda la dhigay isbitalada magaalada Muqdisho, sidoo kale madaafiicda ciidamada AMISOM oo daryankooda galabta laga joogi waayey guud ahaan magaalada waxay gaareen deegaano aad uga fog goobaha dagaaladu ay ka socdeen oo ay ka mid yihiin xaafada Jamhuuriya ee degmada Kaaraan iyo xaafada Al Cadaala ee degmada Heliwaa halkaasoo illaa 10 ruux dad ka badan ay ku dhinteen kuwo kale oo aad u badana ay ku dhaawacmeen.
Xaalada magaalada ayaa caawa degan, waxaana jira dad habeenimadan ka soo barakacaya deegaano ka tirsan Hodan iyo H/wadaag sida xaafada Siigaale iyo shanta geed kuwaasoo soo maciin biday qoysaska degan degmada Waaberi iyagoo si orod ah uga soo talaabaya wadada Maka Al Mukarama oo ay gaaf wareegayaan taangiyada ciidamada AMISO,M waxaana dadkaasi ay wataan caruur fara badan oo ay kala baxsanayaan madaafiicda, qaarkoodna ma garanayaan meel ay ku wajahan yihin oo ay caawa ku baryaan.
Tirada dadkii ku dhintay dagaalka ka socda magaalada Muqdisho maanta oo kaliya ayaa gaaraysa inta laga warqabo ilaa 60 ruux oo rayid ah halka in ka badan 150 kale oo dhaawac ah la gaarsiiyey isbitaala Madiina iyo dayniile kuwaasoo iskugu jira haween caruur iyo dhalinyaro madaafiic iyo rasaas habow ah ay ku haleeshay meelo ka mid ah magaalada Muqdisho sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka ee Isbitaaladaasi iyo kuwa gadaiidka gurmadka deg deg ah, waana duqeyntii ugu xooganeyd uguna qasaaraha badneyd ee ciidamada AMISOM ay ka geystaan magaalada Muqdisho tan iyo intii madaxweyne shariif loo doortay 5 bilood ka hor madaxweynaha DF Somalia lamana oga sida xaalada magaalada ay noqon doonto maalmaha soo socda iyadoo dagaalada ay yihiin kuwa ka sii daraya kuna sii fidaya goobo hor leh, waxaana dhinaca kale illaa hadda aan jirin war ku saabsan duqeyntii galabta oo kasoo baxday ciidamada AMISOM DF iyo xoogaga mucaaradka
Abdirazak Hassan ( Duceysane ) LoveBorama Online

Abdirazak Hassan ( Duceysane ) LoveBorama Online
Borama Somaliland
Tuesday, June 16, 2009
Wasiirka Isboortiga iyo Dhalinyarada mudane Saleebaan Colaad Rooble oo booqasho shaqo ku jooga dalka Suudaan.
London 16.06.2009. Wasiirka Isbortiga iyo Dhalinyarada Mudane Wasiir Saleebaan Colaad Rooble ayaa kulan kula qaatey magaalada Khartooum Wasiirul Dowlaha dalka Suudaan ee Dhalinyarada Isbortiga & Dhaqanka mudane Maxamed Aboozeed Mustafa.
Kulanka ayaa lagu qabtey xaruunta wasaarada Dhalinyarada Isboortiga iyo Dhaqanka dalka Suudaan waxaana wasiirka dhalinyarada Soomaaliya mudane Suleymaan Colaad Rooble ku wehliyay mas'uuliyin u ka mid ahaa Gudoomiyaha Guddiga Olambikada mudane Aadan Xaaji Yabarow ‘’Wiish’’, Mudane Saciid Jaamac Qoorsheel la taliyaha Wasiirka,Safiirka Soomaaliya u fadhita dalka Sudan Danjire Prof Mahdi iyo mas'uuliyiin kale.
Wasiirka ayaa kaga warbixiyay ugu horeyn xaalada uu dalka Soomaaliya ku sugan yahay iyo barnaamijka u degsan wasaarada dhalinyarada iyo isboortiga, isla markaana ka mahadceliyay sida wanaagsanayd ee loogu soo dhaweyay dalka Sudan.
Kulankaan ayaa noqonaya mid hordhac u ah kulamo kale uu wasiirka uu ku yeelan doono madaxda dalka Sudan inta uu ku suganyahay halkaas.
Wasiirka ayaa noogu sheegay qadka telefoonka in maalinkii shalay ahayd dalka Suudan uga bilaabatay socdaal shaqo uu halkaas ku joogi doono muddo 5 cisho ah .
Safarkaan ayaa noqonaya kii labaad tan iyo markii xilka loo dhiibay wasiirka mudane Salebaan Colaad Rooble , wasiirka ayaa biloowgii bishaan kaga qayb galay dalka Zwitzerland shir caalami ah isla markaana wada dadaal dib loogu soo noolaynaayo shaqadii iyo masuuliyada ka saran wasaarada dhalinyarada iyo isboortiga dalka Soomaaliya.
Dadaala iyo shaqada u wado wasiirka cusub ayaa noqonaysa mid ay aad ula dhacsan yihiin bahda Isboortiga Soomaaliyeed gudaha iyo dibadaba, dhawaan ayaa wasiirka xafiiskiisa warqad ka soo baxday loogu kala direy hay’adaha Isboorti ee ka jira magaalada Muqdisho isla markaana loogu sheegay inay u soo gudbiyaan Wasaarada waxqabadkoodii labadii sano ee la soo dhaafay .
Wixii ka dambeeyay burburkii Dowladii hore ee Soomaaliya ayaa isboortigii u noqday mid uu la burburo inkastoo ay ka jiraan xogaa dhaqdhaqaaq Isboorti xaafada karaan hadana waxaa dhaqaale xoog badan ay ka helaan hay’adaha Isboortiga caalamka sida IOC, NOC & FIFA, arinkaas oo dib u dhac weyn ku keentey sidii Isboortiga loo gaarsiin lahaa dhamaan gobalada dalka si xaq ah wax loogu qaban lahaa guud ahaan dalka Soomaaliya, hasa yeshee dhaqdhaqaaqa u wado wasiirka Isboortiga iyo dhalinyarada ee ku wajahan soo noolaynta hay’adihii Isboortiga dalka iyo ku soo celinta awooda maamulka Isboortiga dalka dowlada Soomaaliya ayay dadka intiisa badan u arkaan tilaabo loo qaaday xaga wanaagsan isla markaana lagu helo cadaalad iyo u sinaanta talada maamulida isboortiga dalka.
Wariye:- Maxamed Xabiib
Loveborama Online
Asalo01@hotmail.com

Hadal heynta ugu badan ee 48-kii saac ee la soo dhaafay oo aheyd qiso la yaableh oo qabsatay koox ka tirsan Al Shabaab
Hadal heynta ugu badan ee 48-kii saacadood ee la soo dhaafay magaalada Muqdisho ayaa aheyd qiso la yaableh oo qabsatay habeen hore 15.06.2009, koox ka tirsan dagaalyahanada ururka Al Shabaab kuwaasoo difaac uga jiray afaafka hore ee wadada Dabka, gaar ahaana guryihii hore ee bur buray ee Xaafada ku xeeran Suuqa Ceel garweyne Dhacdadan ayaa aheyd mid ay dadweynaha isticmaala gaadiidka BL-ka ah ee u soo shaqo taga Suuqa Bakaaraha ay si hoose isugu sheegayeen dhacdadan la yaabka badan ee ku dhacday xubno ka tirsan dagaalyahanada Al shabaab oo iyagu difaac uga jiray nawaaxiga isgoyska Dabka ee Degamda Hodon.
Illo wareedyo aad ugu dhow dhow Al Shabaab ayaa inoo xaqiijiyay in habeen hore 15.06.2009 uu Mas ku dilay illaa 5 dagaalyahan, kadib markii goob geedo iyo guryo burbursan ah oo ay difaac uga jireen uu ku helay Bahal Mas ah, kaasoo markii ugu horeysay qaniinay askari ka tirsan ciidankaasi, isla markaana ay u soo gurmadeen dhalinyaradii ku dhoweyd isaga ee difaaca kula jirtay, halkaasoo uu labo kale ku Qaniinay.
Saddexdaasi dhalinyarada ah ayaa isla markiiba loola cararay isbital gaar ah oo ay leeyihiin xoogaga Al Shabaab, inkastoo saacado kadib ay u geeriyoodeen Suntii Maskaasi.
Dhalinyaradii ku haray goobta Difaaca ayaa iyagu markii dambe la sheegay inay Shiteen Nal si ay isaga illaaliyaan Maska, wallow la ii xaqiijiyay in haddana labo dhalinyaro oo kale uu Qaniinay, isagoo uga yimid geed dushiis, taasoo ay markii dambena u geeriyoodeen, waxayna tirade dhimashada ee Maskaasi dilay ay noqotay 5 ruux.
Dhalinyaradii ku sugneyd aagaasi ayaa dalbaday in laga wareejiyo Aagaas maadaama aaney iska waardiyeyn Karin Maskaasi dad cunka ah, iyadoo la sheegay in isla habeenimadii halkaasi lagaga raray ciidamadii halkaasi joogay laguna soo bedelay kuwo kale.
Arrintan ayaa aheyd hadal heynta ugu badneyd ee shalay, xalay illaa manta inkastoo dadku aaney si cad isugu sheegi Karin dhacdadan balse ay si hoose isku weydiinayeen faah faahin la xiriirta inay jiraan dhalinyaro kale oo uu dhibaateeyey Maska wixii ka dambeeyey habeen hore, inkastoo aanan wax macluumaad ah oo dambe aanaan ka helin inay jireen xalayna dhalinyaro kale oo uu Qaniinay Maskaasi.
Wariye:-Axmed C/qaadir
LoveBorama Online
Dayax444@hotmail.com

Sheeykh Xasan Daahir Aweys Oo Been Ku Tilmaamay Hadalo Aay Faafiyeen Ashahado La Dirirka
Gudoomiyaha Mujaahidiinta Xizbul Islaam Sheeykh Xasan Daahir Aweys oo maanta xiriir la sameyey Tv-Ga Aljazeera ee dalka Qadar ayaa been ku tilmaamay hadalo aay faafiyeen Ashahado la dirirka.
Sheeykh xasan daahir aweys ayaa u sheegay Aljazeera inu si Deg Deg Ah u qaban doono Shir Jaraa’id kaasi oo u kaga hadli doono arrinka been abuurka ah ee laga faafiyeen mujaahidka.
Ashahado la dirirka ayaa kadib markii aay khasaaro ka soo gaartay dagaalada aay kula jiran mujaahidiinta waxay bilaabeen Dagaal dhanka Iclaamka ah iyaga oo been iyo hadalo aan jirin ka faafinaya mujaahidiinta Xarakatul Shabaabil Mujaahidiin iyo Walaalaha Mujaahidiinta Ee Xizbul islaam balse kuwasi ayaa u muqda kuwa hada ku dhamaan fashil Insha Allaah.
Wariye:- Axmed C/qaadir
Loveborama Online
Dayax444@hotmail.com
Borama Somaliland

Ashahado la dirirka ayaa kadib markii aay khasaaro ka soo gaartay dagaalada aay kula jiran mujaahidiinta waxay bilaabeen Dagaal dhanka Iclaamka ah iyaga oo been iyo hadalo aan jirin ka faafinaya mujaahidiinta Xarakatul Shabaabil Mujaahidiin iyo Walaalaha Mujaahidiinta Ee Xizbul islaam balse kuwasi ayaa u muqda kuwa hada ku dhamaan fashil Insha Allaah.
Wariye:- Axmed C/qaadir
Loveborama Online
Dayax444@hotmail.com
Borama Somaliland
Dagaalo xoogan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin oo ka dhacay Waqooyiga Muqdisho.

Dagaal kulul oo u dhaxeeya Askarta dowladda KMG Soomaaliya iyo Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa maanta ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Galgalato iyo degmada Kaaraan iyadoo ay jiraan qasaare soo gaaray dad rayid ah.
Dagaalkaasi oo barqanimadii maanta ka qarxay inta u dhaxeysa Galgalato iyo Kaaraan ayaa waxaa uu u dhaxeeyay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin kuwaasi oo is weydaarsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.
Xaafadaha ku hareeraysan degmada Kaaraan iyo gudaha degmadaasi ayaa waxaa si xoogan looga maqlayay dhawaqa rasaasta iyo Madaafic ay is weydarsanayeen labadaani dhinac waxaana jira dhowr madfac oo ka mid ah kuwa la isku ridayay oo ku dhacay Xaafado ka mid ah degmada Kaaraan wallow aan si dhab ah la ogeyn qasaare ay sababeen.
Wariye Madax Banaan oo lagu magacaabo Axmed Cabdi Max'ed oo ku sugan halka lagu dagaalamay ayaa Idaacada Shabelle u sheegay in dagaalku uu soo gaaray Agagaarka Cusbitaalka Keesanay,isagoo intaasi raaciyay in labo qofood oo rayid ah ay ku dhaawacmeen dagaalka kuwaasi oo ay haleeshay rasaasta la is weydaarsanayo,wallow qasaaruhu uu intaasi ka badanyahay.
Maamulka degmda Kaaraan ee dowladda KMG Soomaaliya oo aan wax ka weydiinay dagaalkaasi ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin ka bixiyeen,hase ahaatee dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalku uu ka dhacay Galabta inta u dhaxeysa Deegaanka Galgalato iyo degmada Kaaraan gaar ahaan agagaarka Cubitaalka Keesanay ee gobolka Banaadir.
Dagaalkaani ayaa waxaa uu daba socdaa dagaalo saakay Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin ay kula wareegeen deegaanka Galgalato oo ay horay ugu sugnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya,waxaana la sheegay in ciidamaddii saakay la wareegay halkaasi ay u soo durqeen degmada kaaraan taasoo dhalisay in ay ka hortagaan ciidamo kale oo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya.

Sunday, June 14, 2009
Tafatiraga Guud ee Shabakadda Dayniile oo Maanta ka Ambaabaxay Dalka Masar Kana Qeeb Galaya Siminaar ka dhacaya Dalka Imaaraadka carabta
Tafatiraha Webka Caalamiga ah Ee daayniile ayaa waxa uu Malinta Ka amba baxay Dalka Masay Gaar ahaan Magalada Qaahira Ee Xarunta Dalka Masar Isagoona ka Qeyb gali doono Saminaar lagu qabanaayo magalada Dubai Ee dalka Imaaraadka Carabta. Tafatiraha Webka loveBorama Online Mr.C/risaaq Xasan (Duceysane) ayaa Manta Duhurnimadii ka soo anbabaxay garoonka Caalamiga ah ee magaalada qaahira isaga iyo Xubno ka tirsan ururada Bulshada rayidka ah ee Dalka masar oo dhamaantood ka qeyb gali doona saminaarka.
Saminaarkaan ayaa waxa uu Soconayaa 2 Maalmood iyadoona Diirada lagu saari doono sidii leyskugu xirilahaa shabaabka Carabta Islamarkaana ay isku garab istaagi lahayeen oo ay wax iskula qabsan lahaayen ayaa waxa Cashiro ka bixi doona qubaro kala duwan oo ka socota inta badan wadamada Carabta .
Mudane C/rasaaq Xasan Muxumed oo inta uuna ka amba bixin garoonka magalada qaahira ayaa waxa u sheegay in saminaarkan Muhiimadiisu tahay isku Xirka Wadamada Carabta iyo Shabaabka Dhalinyarada Carabta oo soo Koroya Waxaana ka soo qeyb galaya Masuuliyiin ka kala socota Guud ahaan Wadamada Carabta.
Sidoo kale waxaa laga Bixin doonaa Saminaarka Casharo la xariiro habka iskaashiga Caalamiga ah ee shabaabka Caraba iyo Guud ahaan dhalinta Muslimka ah waxana la rajeynayaa in noqon karto tilaabo muhiin ah uu u horseedi karto shabaabka carabta in ay hal mid noqdaan.
ISku soo wada duuboo Malinta beri ah ayaa waxa uu saminaarka ka furmi doonaa Magalada Dubaai iaydoona lagu wada in 2malmood kadin uu soo gaba gaboobo.
Abdirazak Hassan ( Duceysane ) LoveBorama Online
duceysane11@hotmail.com
love-borama@hotmail.co.uk

Dowlada Somalia, Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo ururka Ahlu Sunna waljameeca oo siyaabo iska horjeeda uga hadlay ciidamada Itoobiya ee soo gala
Dhinacyada Dowladda federaalka Somalia. Saraaakiil ka tirsan xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab iyo dariiqda suufiyada ee Ahlu suna waljameeca ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay ciidamada Itoobiya ee soo galay qeybo ka mid ah gudaha dalka Somalia maalmihii ugu dambeeyey gaar ahaan gobolada Hiiraan iyo galgaduud ee bartamaha Somalia
Safiirka DF Somaliya u fadhiya magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya Ambassador Siciid Nuur ayaa beeniyay in ciidamo Itoobiyaan ah ay soo galeen gudaha Somalia isagoo wareysi siinayay wakaalada wararka Reuters wuxuuna intaa ku daray ineysan jirin ciidamo Itoobiyaan ah oo ka soo talaabay soohdinta kala qaybisa Somalia iyo Itoobiya.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa danjire Saciid Yuusuf Nuur waxaa uu sheegay in inaanu waxba ka jirin wararka sheegaya soo laaabashada ciidamada Itoobiya ayna qoreen wariyaal uu ku sifeeyay in ay yihiin kuwo aan xaqiiqda sheegi karin oo ka baqanaya ciqaab kaga timaada xoogaga Islaamiyiinta Somalia.
Dhinaca kale, Madaxa warfaafinta maamulka xarakada mujaahidiinta Al-shabaab ee gobolada Jubbooyinka Sheekh Xasan Yacquub Cali ayaa isna ka hadlay arintaasi isagoo digniin culus u diray ciidamada Itoobiya ee dib ugu soo laabtay qaybo ka mida gobolada koofureed ee Somalia.
Sheekh Xasan Yacquub ayaa sheegay in xoogaga Islaamiyiintu ay la socdaan mudooyinkan dambe abuubul ciidan oo ay haatan Itoobiya ku dooneyso in aagag dagaal oo kaga furto gobolada Gedo, Bay, Bakool, Hiiraan iyo Galgaduud "Itoobiya waxaan lee nahay Timir iyo Xalwo kaagama soo horeyso Somalia ee waxaa jooga raggii markii hore xoog kaaga saaray ee bakjhtigiina ku jiid jiiday wadooyinka Muqdisho kuwaasoo weli diyaar u ah iney idinla dagaalamaan" ayuu yiri Sheekh Xasan Yacquub.
Sidoo kale, Dhaqdhaqaaqa Ahlu Sunna Wal-jameeca ayaa waxay sheegeen in ciidamada Itoobiya ee soo gaaray gobolka Galgaduud ay halkaasi u yimaadeen inay dhex-dhexaadiyaan beelo halkaasi ku dagaalamay, iyagoo dhinaca kale beeniyay wararka sheegaya inay ciidamadaas Itoobiyaanka ah doonayaan inay xoojiyaan dhaq-dhaqaaqa Ahlu sunna Wal-jameeca oo qaybo ka mid ah gobolka Galgaduud dagaallo kula jira xoogagga iskaashanaya ee Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab.
Afhayeen u hadlay dhaq-dhaqaaqa Ahlu Sunna Wal-jameeca ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay halkaasi kulamo kula qaadanayaan hoggaamiyayaasha qabaa’ilka beelo Soomaaliyeed oo dhowaan ku dagaalamay xadka kala qaybiya gobolka Galgaduud iyo dhulka Is Maamulka Soomaalida Itoobiya si ay u dhex dhigaan heshiis, wuxuuna intaasi ku daray in marka ay dhamaystaan hawlahooda ay dib ugu laabanayaan halkii ay markii hore ka yimaadeen.
Hadaladan kasoo kala baxay dhinacyada isku haya Somaliaa ayaa ku soo beegmay xili afhayeenka Dowladda Itoobiya uu beeniyay in ay ciidamo u direen bartamaha Soomaaliya, maalin kaddib markii dad deggan bartamaha Soomaaliya ay soo weriyeen in Ciidamo aad u hubeysan oo ka socda Dowladda Itoobiya ay ku sugan yihiin ugu yaraan meelo ka mid ah gobolada G/gaguud iyo Hiiraan ee bartamaha Somalia.

War deeg deg ah:Dagaal u dhexeeya ciidamo ka wada tirsan DF Somalia oo goor dhoweyd ka bilowday agagaarka wadada Ex-kontrol Afgooye
Dagaalo u dhexeeya ciidamo ka wada tirsan DF Somalia ayaa abaara 12:30 daqiiqo duhurnimo ee maanta ka bilowday agagaarka Isgoyska Ex-koontrool Afgooye oo ku yaala duleedka koonfureed ee magaalada Muqdisho sida wararka halkaasi naga soo gaaraya ay sheegayaan, halkaasoo lacago baad ah ay ciidamada DF uga qaadaan gaadiidka rakaabka ah iyo kuwa xamuulka ah ee wadadaasi isticmaala.
Dagaalkan oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala gedisan ayaa bilowday sida dad goob joogayaal ahi sheegeen ka dib markii ciidamada DF ee ku sugnaa isgoyskaasi ay fooda is dareen ciidamo kale oo ilaalo ka ahaa gaadiid siday raashiin gargaar ah oo halkaasi marayey, waxaan dagaalkaasi uu saameyn ku yeeshay socodkii dadka iyo gaadiidka ee wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo gobolada koonfureed ee dalka Somalia.
Ilaa 3 askari oo ka tirsan labada dhinac ee halkaasi ku dagaalamaya ayaa la xaqiijiyey iney halkaasi ku dhinten halka illaa 5 kale oo ay ku jirto haweeney rayid ah ay ku dhaawacmeen, waxaana weli deegaanadaasi laga maqlayaa rasaas aad u culus oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan, iyadoo aysan jirin saraakiil ka tirsan ciidamada DF oo ka hadlay dagaalka halkaasi ka socda oo ah kii ugu cuslaa ee dhexmara ciidamada DF tan iyo madaxweyne loogu doortay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed

Monday, June 8, 2009
Agaasimihii Idaacadda iyo TV-ga Shabelle oo la’aasay,Xaaladda wariye Axmed Taajir oo ka soo reynaysa iyo Wargalin
Alle ha u naxariistee Agaasimihii Idaacada iyo TV-ga Shabelle oo shalay lagu toogtay gudaha Suuqa Bakaaraha ayaa Waxaa isla shalay lagu Aasay deegaanka Lafoole ee goboka Sh/hoose.
Aaska Marxuum Muqtaar Max’ed Hiraabe ayaa waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee saxafiytiinta iyo ehelada Marxuumka,waxaana shalay galab lagu duugay qabuuro ku yaala deegaanka lafoole ee gobolka Sh/hoose.
Agaasimihii hore ee Idaacada Iyo TV-ga Shabelle ayaa waxaa uu ifka kaga tagay Labo Xaas iyo 5-caruur ah kuwaasi oo nolashoodu ay ku tiirsanayd Marxuumka Geeriyooday.
Dhanka kale waxaa maalintii Labaad ku jira Cusbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho Madaxii Barnaamijyada Idaacada Shabelle Axmed Cumar Xaashi (Axmed Taajir) oo dhaawac uu soo gaaray xiligii la dilayay Agaasimihii Shabelle Muqtaar Max’ed Hiraabe.
Dhaawaca Axmed Cumar Xaashi (Axmed Taajir) ayaa waxaa uu yahay mid ka soo raynaya sidii hore.
Guud ahaan Maamulka iyo Shaqaalaha qeybaha kala duwan ee Shabakadda warbaahinta LoveBorama Online waxay dadweynaha Soomaaliyeed ku wargalinayaan in howlihii warbaahineed ee Website-ka hakad loo galiyay mudo kooban Tacsida Bahda Loveborana Online u taala daraadeed.
INAA LILAAHI WA INAA ILLEYHI RAAJICUUN.

Xasan Daahir Aweys oo beeniyey warar laga faafiyey oo Ah in uu Geeriyooday
Xiriirro kala duwan oo uu sameysay shabakadda Dayniile ayey ugu cadaatey in ayna waxba ka jirin wararkii horey usoo baxay ee sheegayey in uu dhaawac soo gaarey hogaamiyaha Xisbul Islaam Xasan Daahir Aweys.Sheekh Aweys ayaa taleefanno ay qarabadiisa iyo dad badan oo kala duwan u dirayeen ilaa saka waxaa uu ula hadlay si toos ah, isagoo sidoo kale la hadlay qaar ka mid ah saxaafadda oo ay ku jirto shabakadda Dayniile.Sheekhu waxa uu noo sheegay in uu shir jaraa;id qaban doono, islamarkaasna waxba ayna ka jirin in uu tagey Wabxo oo uu halkaas dagaaladii ka dhacay dhaawac ka soo gaarey sida warbaahinta qaarkeed horey u sheegtay.Wararka ku saabsan in dhaawac uu soo gaaray sheekh Xasan Daahir ayaa waxaa ay isa soo tarayeen tan iyo habeynimadii Sabtida, iyadoo mid ka mid ah wakaladaha wararka reer Galbeedkuna ay sheegatay waqti sii horeyey oo maanta ah in uu dhintay Sheekh Aweys.
Dhanka kale Sheekh Daahir Aweys ayaa si toos ah ooga soo baxay talfishinka Aljazeera asagoo arintaas beeninayaa, oo Xamar joogaa, wuxuuna yiri !arintaas waa been geeriduna waa xaq qof walba waa uu dhimanayaa, arintaasna waxaa faafinayaa cadow, wanan ka xumahay in hay'ado wawaeyn oo caalami ah ay sidaas wax u sheegaan.
Abdirazak Hassan ( Duceysane ) LoveBorama Online
duceysane11@hotmail.com
love-borama@hotmail.co.uk
Borama Somaliland
Dhanka kale Sheekh Daahir Aweys ayaa si toos ah ooga soo baxay talfishinka Aljazeera asagoo arintaas beeninayaa, oo Xamar joogaa, wuxuuna yiri !arintaas waa been geeriduna waa xaq qof walba waa uu dhimanayaa, arintaasna waxaa faafinayaa cadow, wanan ka xumahay in hay'ado wawaeyn oo caalami ah ay sidaas wax u sheegaan.
Abdirazak Hassan ( Duceysane ) LoveBorama Online
duceysane11@hotmail.com
love-borama@hotmail.co.uk
Borama Somaliland
Saturday, June 6, 2009
Taariikh Nololeedkii Wasiirkii X/Golayaasha Somaliland Marxuum Cabdi Xasan Buuni

Alle ha unaxariisto Janadii Fardawsa ha geeyo IIlkana Neecaw Udgoon ha uga dhige waxaa 2juun ku geeriyooday Magaalada London Wasiirkii Golayaasha Somaliland Marxuum Cabdi Xasan Buuni geeridaasoo naxdin iyo walaac ku beertay Shacbiga iyo Dawlada Somaliland oo Marxuumku uhibeeyey Naftiisa iyo Garaadkiisa…
Hadaan Tisqaadno ayaamihii Sooyaal ee Marxuum Cabdi Xasan Buuni Sadaro kuma soo uruin karno balse aan Raadraacno Ayaamihii tagay iyo Shakhsiyadii Cabdi Xasan Buuni
19/12/1935 ayuu ku dhashay Magaalada Boorama ee gobolka Awdal
1946 waxaa uu Dugsiga hoose kaga baxay Magaalada Boorama
1948 waxaa uu dhameeyey Dugsiga dhexe ee Sheikh ee Magaalada Sheikh
1953 waxaa uu koorso Maamulka iyo Maareynta ku soo qaatay Magaalada Caddan
1954-1956 waxaa uu kamid ahaa ciidamadii ingiriiska Somaliland Scots
1957-1958 waxaa uu ahaa isu duwaha Xafiiska Maamulka ee Deegaamada Aware, Hawd &.Reserve area.
15/11/1958 waxaa uu Xisaabiye Guud ka noqday Magaalada Hargeisa
1960 waxaa uu ku biiray Baarlamaankii uhoreeyey ee Somaliland
1 july 1960 waxaa uu noqday Ra, iisuwasaare ku xigeenkii Somalia
1964 waxaa dib loogu doortay inuu ka mid noqdo Aqalka Baarlamaanka
1969 waxaa uu noqday Madax Mashruucii Golweyn ee muuska ee Shabeelada Hoose
Ka dib markii uu dhacay Afgambigii Military wuu ka Fariistay Siyaasada.
1982-1984 waxaa uu ahaa Madaxii Shirkadii Sameynta Qalabka Beeraha ee (AITCO)
1985-1990 waxaa uu ahaa Madaxii Shirkadii Kaluumaysiga ee AFCO
Waxii ka danbeeyey Burburkii Somalia waxaa uu kaalin mugleh ku lahaa Nabadeynta iyo Hormarinta Maslaxada Umada isagoo 1995-1997 ahaa Lagudoomiyaha Gudigii Nabadeynta ee Somaliland.
2003 waxaa uu noqday Wasiirka Golayaasha jamhuuriyada Somaliland Xilkaa oo uu hayey ilaa tii Alle uga timaado.
Alle ha unaxariiste waxaa uu ahaa Marxuum Cabdi Xasan Buuni qof Shakhsiyad wanaagsan leh markastana utaagan Maslaxada Ummada, waxaa uu ka hormarin jiray danihiisa gaarka ah, waxaa uu ahaa qof u taagan udeegida Bulshada ahaato mid Qofeed ama Ummadeed sida aan ka soo xigtay Prof: Najiib Sh. C/kariim oo ay saaxiibo ahaayeen mudo dheer
waxaa kaloo lagu tilmaami jiray nin Nabadeed isagoo Mucaarad iyo Muxaafadba si guud ugala hadli jiray danaha guud ee Shacbiga badnaa waxaa uu kulamu la qaadan jiray Habeenada Khamiista, waxaa uu ahaa qof yaraantiisii wax isasoo baray ilaa uu gaaray in ninkii madaxa ka ahaa Dugsiga Camuud uu eryo taasina ma hakin damaciisii Waxbarasho waxaa uu go,aansaday inuu Waxbarasho udoonto Magaalada Burco lugna uga soo ambabaxay Boorama taasoo ka yaabisay ninkii heystay Camuud kadibna uga daba yimid Duleedka Gorayo-Cawl kuna soo qaaday Gaadhigiisii ilaa Hargeysa.sida uu iishegay Mudane Daahir Goodaad oo kamid ah saaxiibada udhawaa Marxuumka kana mid ah Golaha Guurtida Somaliland.
Marxuumku waxaa uu ahaa Nin Dhanka Ganacsiga hal abuur uleh, waxaa uu ka Unkay Duleedka Magaalada Muqdisho Hotelkii Caanka ahaa ee Buuni Hotel, waxaa kaloo uu kulahaa magaalada Boorama Hotelka Caanka ah ee Faras Magaalaha ku yaal ee Harawo Hotel oo dhismihiisu ahaa 1962
Shakhsiyadii Cabdi Xasan Buuni waa mid aan dheehday dhawaan mar aan hawlo ka yeeshay, Ina xasuusisay hawl karnimadiisii iyo Hagar la,aantiisa…
Alle ha unaxariisto Ehelkii iyo Shacbiga iyo Dawlada Somaliland Samir iyo Iimaan ha kasiiyo…….aamiin……..aamiin………aamiin.
F.G: Mahadi ha ka gaadhe waxaa igu Gacansiiyey Xogsooyaaleedka Marxuumka Mudane Xussen Caynaan oo ahaa Saaxiib iyo Rafiiq aad ugu dhawaa Marxuumka Talo wadaagna ay ahaayeen.

Dadka Dhagoolayaasha Ah Ee Reer Boorama Oo Markii Ugu Horaysay Loo Suura Galiyay Inay Fahmaan Khudbada Salaada Jimcaha Ah
Boorama(loveborama)Shalay salaadii jimcihii ayaa waxa suura gashay markii uu horaysay in ay fahankeeda ka qayb qaataan dadka dhagoolayaasha ah. Masaajidka wayn ee Abu Hurayra ee magaalada Boorama ayaa waxa ka suurta gashay in turjumaan faraha ka sheekaynaya oo istaago Mimberka khudbada Jimcuhu ka socotay kaasi oo ay suurto gashay in khudbadii Maanta ee Soomaaliga ahayd ay dadka dhagoolajaasha ah ee raga ahi u fahmaan si wayn. Waxa kale oo iyaguna loo ogolaaday in ay ka qayb qaataan jimcihii maanta Suxufiyiinta maxaliga ah oo laga codsaday in ay baahiyaan warkan si ay bulshada reer Somaliland fursad u siiso dadka dhagoolayaasha ah.
Imaamka masjidka Abuu hurayra Sh. Cali Shucayb ayaa isaguna u sheegay saxaafada in ay talaabadani ka dambaysay markii gududa Wanaagfarista ee gobolka Awdal ay booqdeen dugsiga Dhegoolayaasha ee Boorama isla markaana ay ogaadeen baahida ay u qabaan fahanka wacyaabaha diiniga ah ee bulshada ka dhex socda. waxa kale oo uu Imaamku sheegay in uu aad ugu mahadnaqayo shirkada SHABA oo suurto galisay in ay suxufiyiintu fursadan helaan, Imaamku waxa kale oo uu sheegay in ay u qorshaysan tahay in ay ka faa’iidaystaan Tignoolojiyada casriga ah isla markaana ay fursadana oo kale siiyaan haweenka iyaguna dhagoolayaasha ah.
Shabakada waraka ee Lughayanews oo ay u suurto gashay salaadii jimcalaha ee shalay ka dib in looga tarjumo dhalinyaro dhagoolayaal ah oo khudbadii shalay goob joog ka haa ayaa waxa ay dareenkooda maanta ku cabireen mid wayn oo aanan la soo koobi karin waxana ay codsadeen in la dardar galiyo ficilada noocan oo kale ah.

Mareykanka oo caday in Soomaliya xoog ku galayaan Kenya iyo Itoobiya xili ay soo gudbeen ciidamo Itoobiya kaabigana u saaran yihiin
Abaanduuliyaha Milatariga Mareykanka oo shaaciyay Somaliya in ay hooy u noqotay Al-Qaacida sidaa dareed Soomaliya ay u wakiishadeen dowladaha Dariska ee Kenya iyo Itoobiya Abaanduuliyaha Ciidamada Milatariga Mareykanka General Mark Molin oo wareysigii ugu horeeyay xalay siiyay TV Carbeed oo ahaa Kanaalka Al-Carabiya ayaa ku noox nuuxsaday in Soomaliya xiligaan ka jirin dowlada dhexe oo wax qaban karta taana waa tanay in hooy u nnoqoto Aqaacida. 
Aniga ma galeyna Soomaaliya waxaana u wakiishaneynaa wadamada saxiibada aannahay ee gobolka kuwaana ayaa gali doono si ay u soo celiyaan amaanka iyo kala dambeenta
General Mark Molin waxa kale uu sheegay in dowlada Soomaaliya ,Kenya iyo Itoobiya oo wada jir ah ay ka hoowl gali doonaan Soomaaliya dhawaan waxna laga qaban doono xoogaga islaamiyiinta ah ee ku sii badanayo Soomaaliya
Hadalka masuulkaan Mareykanka ayaa yimid wax yar uun ka dib markii ciidamadii ugu badna abid ee Itoobiyaan ah ay ka soo gudbeen xadka Soomaliya kuwaa oo weerar ku ah saacadaha soo socda gobolada Bay iyo Bakool .
Durbaba wal wal xoogan ayaa ka bilaawday magaalada Baydhaba iyadoona maamulka islamaiga ka arimiya halkaas ay bilaabeen dadka in ay ku baraarujiyaan dagaalka in ay kala qeyb galaan waxaase la sugaa saacadaha soo socda iyo gulufta colaadeed ee halkaasi ka bilaabata waxaana arinkaa murug sii galineysaa sida dalka Soomaaliya loogu qeybin doono Kenya iyo Itoobiya

Friday, June 5, 2009
M/weyne Shariif oo sheegay in ey sii wadayaan dagaalada tan iyo inta...

Madaxweynaha Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta shir jaraa'id ku qabtay xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa carabka ku adkeeyey in ay sii wadi doonaan dagaalada ay kula jiraan kooxaha Islaamiyiinta.Hadalkan ayuu saxaafadda u sheegay madaxweynaha kadib markii uu shir la qaatay culumo ka tirsan Ahlusunna wal jameeca, kuwaasoo inya dagaal kula jira kooxaha Islaamiyiinta mayalka adag."Inta midka ugu dambeeya naga nool yahay waan sii wadi doonaa dagaalka, si aan u cirib tirno kooxaha danaha shisheeye wada islamarkaana ka soo horjeeda dowladda", ayuu yiri madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.Inta uu shirjaraa`idka madaxweynuhu socday ayaa waxaa kusoo dhacay nawaaxiga madaxtooyada hoobiyayaal ey soo tuurayeen kooxaha mucaaradka."Markii ugu horeysay ee aan Muqdisho imaanay waxa ay nagu soo dhaweeyeen madaafiic cul-culus, iminkana waad maqlaysaan", ayuu hadalkiisa sii raaciyey madaxweyne Shariif Shiikh Axmed oo ka hadlayay hoobiyayaasha lasoo tuuray.Hadalka madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya xilli ay dagaalo qaraar ey ka soconayaan qaybo ka mid ah magaaladda Muqdisho iyo gobolada dalka Somaliya.
Abdirazak Hassan ( Duceysane ) LoveBorama Online
Borama Somaliland
Booqashada Madaxweynaha S/land Ee Burco Ma Dhoolatus Milataribaa Mise Aafo Kale Ayaa Jirta?

Posted in June 4th, 2009
by loveborama Online News
Borama-(Lug0-Madaxaweynaha Soomaaliland Daahir Rayaale ayaa dabaylaha siyaasadeed ee beryahan ka kaxeeyey aqalka madaxtooyadu u dhaqaajiyeen dhinaca Bari ee Soomaaliland halkii laga filayey inay u dhaqaajiyaan dhinaca galbeedka isagoo sida la sheegeyo gaadhay magaalada Burco sida la sheegay.
Rayaale ayaa sidoo kale Burco tegey wakhti uu dalka ka maqan ahay hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka soomaaliland Axmed siilaanyo o ay Burco u tahay saldhigga.
Sidoo kale ayaa Rayaale gaadhay Burco isagoo ay gelbinayaan ku dhawaad kala badh ciidanka daafaca xuduuddaha soomaaliland ee qaranku oo weliba uu wato sarkaalkii ciidankaasi dagaalgelin lahaa haddii cadow la weerari lahaa ama Somaaliland laga difaaci.
Sidoo kale ayaa Rayaale gaadhay Burco wakhti uu iskasii horresiiyey mucaawino raashin ah oo ay haydda WFP kula noqnoqnaysay magaaladaasi , aashinkaasoo aa la ogeyn meesha uu yaalay iyo cidda haysatay tobansano kudhawaad reer Somaaliland qaybo ka mid ah ay soo mareen abaaro iyo duruufo nololeed oo gargaar u baahnaa .
Socdaalka madaxweynaha ee Burco ayaa ka dambeeyey kudhawaad sideed casho oo uu ku sugnaa magaalada Berbera ilaa imikana aan la ogeyn wax muuqda oo uu dadka gobolkaasi ugu abaalguday dhaxalkii marxuum Cigaal ee u Rayaale ku gaadhay mansabka maanta uu taagan yahay booqashadiisa Burcona la filayo inaysan waxba ka duwanaan doonin tii uu ku tegey Berbera .
Rayaale ayaa sidoo kale Burco booqanaya si uu mar kale uga faa’iideysto khilaafka beelaha dhexe ee Soomaaliland ee isku degaanka ah iyadoo haatan ad mooddo inay xukuumadda Rayaale doonayso inay sii fogeyso khilaafkaasi kaddib markii taliyaha booliska Rayaale dubbad saqadhi dhawaanta u magacaabay laba taliye qaybeed oo aan weli soo marin taariikhda maamul ee Soomaaliland.
Haddaba markaad eegto booqashooyinka madaxweyne rayaale uga bilowday bariga soomaaliland balse an la ogeyn inuu ku gaadhi doono magaaladii sida fooshaxun leh lagaga soo saaray ee Laascaanood ,xoogga miltari ee uu wataana aanay meesha ka saarayn inuu Rayaale ku doonayo inuu kaga aargoosto falkaasi reer Laascaanood u geysteen wakhti uu siyaasadda dalka ku cusbaa , khasabna doorkan oggolaysiiyana inay doorkan Rayaale si wanaagsan usoo dhaweeyaan balse loo qaadan karo in socdaalkani yahay bilowga olole siyaasaded oo Rayaale ku doonayo inuu markale ku xukunka dalka ku qabsado, balse aanu Rayaale ogeyn dib udhaca uu reer Soomaaliland u geystay toddoba sano kudhawaad uu dalka ku xukumayey qori caaradii iyo xukun kelitalisnimo ah isla markaana aanu ogeyn in Rayaale iyo Soomaaliland maanta isbarteen .
Marka loo dhabbogalo qaabka uu Rayaale ku tegey Burco ayaa durba muujinaysa inuusan ku kalsoonayn dareenka dadweynaha reer Burco u hayaan , xumaan iyo samaan midkay doontaba ha ahaatee sidaa darteedna uu ku talogalay inuu xoog ku tego halkaasi, waxase uga wanaagsanaan lahayd inuu ku tego sidii uu ku tegey waagaa uu marxuum Cigaal u diray xal u heliida aafadii degaankaasi ka dhacday ee uu sida fiican uga shaqaystay .
Sidoo kale ayaan loo baahnayn in Rayaale taliyihiisii ciidanka u kaxaysto dhul aanu joogin cadow ciidanka intaa le’eg ee isugu Teknikada, Koofiyad Casta , Koofitad Buluugta, Koofiyad Cawlka Iyo Dharcadda kuwaasoo loo qaadana karo inuu Rayaale socdaalkiisu dhaafsan yahay Burco inta uu dhulkaa joogana ku joogo xoog military balse aanu ku joogin soo dhaweyn iyo kalgacayl, taasina ay dadka dhulkaasi xusuusinayso taliskii Siyaad Barre ee dhawaanta iska xoreyntiisii laga xusayey Hargeysa iyo Burco, balse Rayaale kagasoo muquurtay Berbera.
Inta uu Rayaale Burco joogo ayaa sidoo kale la filayaa inuu wadahadallo la yeesho dad lasoo ururiyey oo lasoo baadhay markii ay Rayaale ugusoo geleyaan Guriga dawladda isagoo la filayo inuu dadkaasi u sheegi doono horumar aanay dawladdiisu wax shaqo ah ku lahayn oo ay hay’adaha caalamiga ah iyo ganacsatada magaaladaasi qabsadeen, isagoo laga yaabo inuu booqdo wershedeha saabuunta iyo biyaha ee reer Burco samaysteen ..
Waxa kale oo la fili karaa in kulamada uu la yeelan doono beelaha dhulkaasi wada dega uu qaar sasabi doono qaarna u hanjabi doono halka kuwa kalena uu uga cudurdaaran doono fulin la’aanta ballanqaadyadii uu waagii hore u qaaday. Waxa kale oo laga yaabaa inuu dadka degaankaasi ku guubaabin doono inay iskaga hadhaan siyaasiyiyinta xisbiga KULMIYE iyo Axmed Siilaanyo halka beesha Galbeedka Burcana uu ku waanin oddoono inay soo qabtaan Cabdi Aw Daahir iyo Dr.Gabboose balse aan saadaalin karin inay odayaashaasi ka aqbali doonaan iyo in kale .
Sidoo kale ayaa booqashada Rayaale ee Magaalada Burco u tahay inuu dumiyey deyrkii Baarliin inkastoo ay u wanaagsanayd inuu magaaladaasi booqdo ka hor intii aanu Axmed Siilaanyo dalka ka bixin, waxana la ogyahay sida Rayaale ugu farxasan yahay markii la waayey bannanbaxyadii ka dhanka ahaa dawladda madaxweyne Rayaale ee waayadan dambe Burco ku caanbaxday , isagoo Rayale isku dayaaya inuu hoyga mucaaradka Soomaaliland ee xisbiga Kulmiye ka dhigo meel la mid xaafadaha magaalada Boorama qaarkood ee badi dadweynaha kasoo jeedaa hayb ku taageeraan madaxweynaha balse aan la ogeyn wejiga reer Burco ku taageeri doonaan Rayaale ama cod ku siin doonaan ,
Haddii aanay ahayn cududda military ee uu meeshaa la tegey, cabsina dadweynaha dhulkaasi sacabka ugu tumin iyagoo ka tusaale qaadanaya rasaastii ciidanka dawladda Rayaale Hargeysa ku huwiyeen guddoomiyaha xisbiga siyaasiga ah ee KULMIYE Axmed Siilaanyo, isagoo hoggaaminaya bannaanbax salmi ah oo lagu diidanaa muddo kordhinta Rayaale ee Golaha Guurtidu sida sharcidarada ah ugu kordhiyeen lix bilood .Iyadoo dhinaca kalena warbaahinta madaxtooyadu soo abaabushay odayal iyo siyaaiyiin ugu hanjabayey ‘kulmiyoow Hargeysa ka baxa’
Si kastaba ha ahaatee lama oga wax kasoo bixi doona booqashada Rayaale halkaasi ku tegey iyo maalmaha uu sii joogo doonaba balse waxay dad badan oo halkaa joogaa saadaalinayaan Inay reer Burco Rayaale u sheegi doonaan inaysan ahayn reer burcihii 2003dii kala qaybsanaantoodiina dhammaatay ,wax wada qabsina ku heshiiyeen, ficiladii Rayaale ee Kulmiyena aanay kaga aargoosan doonin Rayaaloow Burco ka bax balse ay soo dhaweyn doonaan , dhegeysanna doonaan hadaladiisana .qaddarinayaan.

Boorama Oo Saaka Ku Waaberiisatay Tacshiirad Ciidamada Amnigu Huwiyeen Shaqaale Dhisme Ka Waday Xarunta Maxkamadda G/Awdal
Posted in June 4th, 2009
by loveborama Online News
Borama-(Lug)-Magaalada Boorama ayaa saaka ku waaberiistay tacshiirad ay ciidamada amnigu ku kala dareerinayeen kooxo shaqaalaha dhismaha ah oo dhisme ka waday deyrka xarunta maxkamadda Gobolka AwdalOo aan wax sidaas ah ka fogeyn saldhigga ciidamada amniga ee gobolka Awdal ee magaalada Booram,a .
Cabbaare 9.00 subaxnimo ee saaka ayaa cutubyo ka tirsan ciidamada Booliska oo uu hoggaaminayey taliyexigeenka ciidanka amniga G/Awdal Cismaan Warsame Xijaab (Cismaan Haari ) ay weerar ku qaadeen shaqaalahaasi kaddib markii sida la sheegay ay hore u diideen shaqaalahaasi inay joojiyaan dhismaha deyrka maxkamadda laga waday .
Inkastoo aanay saaka ka dhicin wax khasaare oo ka dhashay rasaasta ciidanku ku kala dareeriyeen shaqaalaha, waxayse dad badan oo ka agdhawaa goobtaasi dhawaqa rasaastaasi soo xusuusisay wakhtiyadii lagasoo gudbay ee Soomaaliland la aasaasayey.
Taliyexigeenka ciidanka amniga G/Awdal oo aan wax ka weydiiyey dhacdadaan ayaa si kooban iigu sheegay oo yidhi ”waxan shaqaalahaasi ku kari weynay waar meeshu waa meel dawladeed, waa maxkamaddii gobolka ee qaranku lahaa, dhulka ailaahay ee bannaan wax ka dhistoo iska daaya meeshaasi waa ceeb, waa dawlad la’aan, waa magac xumo balse dheg jalaq nalooma siin wayna na caayeen”.
Dad ku dhaw cidda iska leh dhismahan maxkamadda deyrkeeda laga dhisi lahaa kana gaabsaday in la magacaabo ayaa iyaguna ii sheegay inay dhulkaasi u haystaan sharci laga bixiyey Dawladda Hoose, isla markaana lagu wargeliyey masuulyiinta kale ee dawladda, sida guddoomiyaha gobolka, guddoomiyaha G/degaanka iyo Wasaaradda Gudaha, balse waxaasoo sharci ah aanay cidi dhegeysan sharcigoodana lagu sheegay mid foorjari ah. Si kastaba ha ahaatee arrintan ayaa la xidhiidha boobka lagu hayo dhulka dawladda, wasaaradaha iyo xarumaha looga adeego shicibka magaalada , kuwaasoo indhawaaleba qaarkood la xaraashay, kuwa kalena dad sheegayo inay u haystaan warqado ,halka kuwa kalena u xoog ku haystaan lagana furfuri kari laayahay, arrimahaasi oo la sheegayo inay lug ku leeyihiin maamulayaasha dawladda Hoose ee Boorama, joomitirada iyo qaar ka mid ah dadweynaha degaanka Boorama oo iyagu eegta kuna mamay dhulka u dhexeeya dadweynaha una badheedhay inay iibsadaan oo lacagtooda ku bixiyaan dhul an la ogeyn inuu noqon doono mulkigooda . Sidoo kale ayaa iyadana muran ku saabsan dhulka ku fadhiyo gurigii loogu talogalay taliyaha Booliska, lana dhisay wakhtigii gumaysiga ingiriisku dhulka haystay ay haatan isku haystaan dad sheeganaya in laga iibiyey iyo dad sheeganaya inay deggenaan doonaan, arrintaasoo aan la aogeyn waxa ay ka yeeli doonaan taliyayaasha ciidamada amniga Soomaaliland iyo kuwa gobolka Awdal.

Qarax Aad u xoogan ayaa lala Beegsaday Kolonyo Ciidamada AMISOM oo marayay Agagaarka Xafiiska UNDP Ee Magaalada Muqdisho
Qadar Daqiiqado ka Hor ayaa Qarax xoogan Lala beegsaday Kolonyo ciidamada Amiso ee ku sugan Magaalada Muqdisho Ayagoo Marayay Inta u dhaxaysa Garoonka Aadan Cadde iyo Isgooska KM4 ee Magaalda Muqdisho.Qaraxaas ayaa ka dhacay agagaarka Xafiiska UNDP Ee Magaalada Muqdisho Qaraxaas ayaa ahaa Miinada dhulka lagu Aaso oo meelaha Fog Fog laga Qarxiyo Waloow aan laga War hayn qasaaraha Dhabta ah Soo gaaray Dhanka kale Ciidamada Amiso Ee Magaalada Muqdisho ayaa Durbadiiba xiray wadoooyinka soo Galayay Garoonka Aadan Cadde iyo waddada Isku Xirta KM4 Iyo Garoonka .
Ma ahan Markii Ugu horeesay ee lala beegsaday Ciidamada Nabad Ilaalinya ee hadda Ku sugan magaalada Muqdisho Maadaama marar badan lala beegsaday Ciidamadaas Qaraxo iyo miinooyinka Dhulka lagu Aaso .Wixii warar ah ee ka soo Baxa kal soco loveborama Online
Abdirazak Hassan ( Duceysane ) LoveBorama Online
duceysane11@hotmail.com
love-borama@hotmail.co.uk
Borama Somaliland
Ma ahan Markii Ugu horeesay ee lala beegsaday Ciidamada Nabad Ilaalinya ee hadda Ku sugan magaalada Muqdisho Maadaama marar badan lala beegsaday Ciidamadaas Qaraxo iyo miinooyinka Dhulka lagu Aaso .Wixii warar ah ee ka soo Baxa kal soco loveborama Online
Abdirazak Hassan ( Duceysane ) LoveBorama Online
duceysane11@hotmail.com
love-borama@hotmail.co.uk
Borama Somaliland
Thursday, June 4, 2009
Maxay soo kordhin kartaa Khubadda uu maanta ka jeediyay magaalada Qaahira Madaxweyne OBama.

Sida aan la socon waxaa si aad loo dhowrayay khudbada uu ka jeedin doono magaalada Qaahira Madaxweynaha Mareykan-ka Barrack Obama, Iyadoo ay ballanqaadkiisa ku jirtey xilliggii uu ku jirey Ololaha doorashada in uu soo cellin doono xiriir wanaagsan oo dhex mara Mareykanka iyo Muslimka.Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa khudbad dheer ka jeediyay magaalada Qaahira, taasi oo uu dunida Muslimka uu kaga dalbanayo xiriir cusub oo uu la yeesho. haddaan soo qaadano qodobadii ugu muhiimsanaa ee uu ka jeediyay magaalada Qaahira: waxaan halkan u imid magaalada Qaahira waxaan doonayaa buu yiri in aan u sameeyo xiriir wanaagsan Mareykanka iyo wadamada Muslinka ah kaaso ah buu yiri mid ku saleysan dan wada jir loo leeyahay iyadoo la is xushmeynayo, oo taasina ay ku saleysantahay xaqiiqada ah Mareykanka iyo wadamada Islaamka ah wax lakala saarayo oo tartan uu ka dhaxeeyo. laakin wuxuu yiri wax danahooda isku laabmayo islamarkaasina dano wadaag ah uu jiro, mabaadi'da xaga garsoorka iyo isu dulqaadasho iyo xushmeynta xagga baniaadamnida.waxaa kale oo aan aqoonsanahay buu ku yiri khudbadiisa Madaxweyne Barrack Obama in isbadal habeen qura aan lagu sameyn karin, ama hadal qura aan lagu badali karin waxyaabaha is aamin la'aanta ah oo muddo sanado badan soo taagnaa, islamarkaasina buu yiri ma ahan mid aan kaga jawaabi karo dhamaanba arrimo farabadan oo murugsan oo aan halkan ku soo wada qaadi karo, laakin waxaan ku qanacsanahay in hore loo sii socon karo, waxa markaasi ay tahay buu yiri is cad u sheegno waxa qalbiga inoogu jira ay dhacdo mararka qaarkood is daahsoon la isugu sheego, waxay tahay buu yiri in la wado sidii la isu dhageysan lahaa oo labada dhinacba ay isu dhageysan lahaayeen iyadoo qolaba qolada kale ay xushmeyneyso sida Qur'aanka uu yiri buu yiri Adoo Ilaahay aaminsan waa in aad runta sheegto waxanna isku dayi doonaa in aan taas sameeyo.
window.google_render_ad();
Waxa kale uu yiri isagoo ka hadlaya taariikhda Islaamka: Taariikhda Islaamka marka la eego waxaa jirta in Islaamka Deyn badan uu ku leeyahay ilbaxnimada Adduunka ka jirta oo ay ka mid tahay meelaha taas barbaariyay Jaamacada weyn ee Al Azha ee ku taala wadankan Masar oo muddo qarni ah wax lagu baranaayay, waxaan kaloo aan ogahay buu yiri in Islaamka uu ka mid yahay Taariikhda wadanka Mareynka, wadanka Marooko ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee aqoonsado wadanka Mareykanka.Dadka qaar ayaa waxa ay qabaan in arrimaha murugeysan ee ka taagan caalamka ee u dhaxeeya galbeedka iyo wadamada Muslimka iyagoona yiri in khudbadan uu ka jeediyay magaalada Qaahira ay baal dahab ka galli doonto taariikhda, iyagoo dadka qaarna ay yiraahdeen Obama waxa uu ku hadlay erayadii uu adeegsan jirey madaxweynihii isaga ka horeeyay Bush oo farsameysan.
Subscribe to:
Posts (Atom)