Xiriirro kala duwan oo uu sameysay shabakadda Dayniile ayey ugu cadaatey in ayna waxba ka jirin wararkii horey usoo baxay ee sheegayey in uu dhaawac soo gaarey hogaamiyaha Xisbul Islaam Xasan Daahir Aweys.Sheekh Aweys ayaa taleefanno ay qarabadiisa iyo dad badan oo kala duwan u dirayeen ilaa saka waxaa uu ula hadlay si toos ah, isagoo sidoo kale la hadlay qaar ka mid ah saxaafadda oo ay ku jirto shabakadda Dayniile.Sheekhu waxa uu noo sheegay in uu shir jaraa;id qaban doono, islamarkaasna waxba ayna ka jirin in uu tagey Wabxo oo uu halkaas dagaaladii ka dhacay dhaawac ka soo gaarey sida warbaahinta qaarkeed horey u sheegtay.Wararka ku saabsan in dhaawac uu soo gaaray sheekh Xasan Daahir ayaa waxaa ay isa soo tarayeen tan iyo habeynimadii Sabtida, iyadoo mid ka mid ah wakaladaha wararka reer Galbeedkuna ay sheegatay waqti sii horeyey oo maanta ah in uu dhintay Sheekh Aweys.
Dhanka kale Sheekh Daahir Aweys ayaa si toos ah ooga soo baxay talfishinka Aljazeera asagoo arintaas beeninayaa, oo Xamar joogaa, wuxuuna yiri !arintaas waa been geeriduna waa xaq qof walba waa uu dhimanayaa, arintaasna waxaa faafinayaa cadow, wanan ka xumahay in hay'ado wawaeyn oo caalami ah ay sidaas wax u sheegaan.
Abdirazak Hassan ( Duceysane ) LoveBorama Online
duceysane11@hotmail.com
love-borama@hotmail.co.uk
Borama Somaliland
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment