In ka badan 100 ruux oo dhimasho iyo dhaawac ay ka soo gaartay madaafiic ciidamada AMISOM ay galabta ku garaaceen xaafado ka tirsan Muqdisho(WARBIXIN DHEER)

Duqeynta ciidamada AMISOM oo isugu jirtay mid ka soo dhaceysay taangiyada ay ciidamadaasi ku hubeysan yihiin iyo hoobiyeyaal ayaa bilaabatay wax yar ka dib markii xoogaga Islaamiga ah ay weerar loo adeegsaday baasuukeyaal iyo qoryaha fudud ku soo qaadeen qeybo ka mid ah wadada Maka Al Mukarama sida isgoyska Dabka iyo agagaarka gurigii hore ee shaqaalaha oo degan yihiin ciidamada AMISOM, waxaana markii dagaalkaasi uu bilowday oo ku beegneyd 4:30 daqiiqo galabnimo joogsaday socodkii dadka iyo gadiidka ee wadadaasi oo dib u soo laabtay duhurimadii maanta markii ay qaboobeen dagaalo culus oo saaka ka dhacay degmada Hodan meelo ka mid ah, waxaana cabsi aad u xoogan ay soo wajahday dadweynaha ku dhaqan degmada Waaberi oo ka mid ah goobaha fara u tiriska ah ee weli aan laga barakicin magaalada Muqdisho dagaaladana ka badbaaday

Goobaha ay sida darandooriga ah ugu dhaceen madaafiicda AMISOM ayaa waxaa ka mid ah gudaha iyo hareeraha Suuqa Bakaaraha sida Isgoysyada Bakaraaha, H/wadaag, Baar bakiin masaajidka Biyo maalow nawaxigiisa, xaafadaha shanta Geed, Siigaale, Ceel Hindi Suuqii hore ee Ceel garweyne iyo meelo kale oo ka tirsa gudaha Suuqa Bakaaraha goobahaasoo ay ku dhinteen dad gaaraya illaa 15 ruux halka 40 kale dhawaacooda la dhigay isbitalada magaalada Muqdisho, sidoo kale madaafiicda ciidamada AMISOM oo daryankooda galabta laga joogi waayey guud ahaan magaalada waxay gaareen deegaano aad uga fog goobaha dagaaladu ay ka socdeen oo ay ka mid yihiin xaafada Jamhuuriya ee degmada Kaaraan iyo xaafada Al Cadaala ee degmada Heliwaa halkaasoo illaa 10 ruux dad ka badan ay ku dhinteen kuwo kale oo aad u badana ay ku dhaawacmeen.

Xaalada magaalada ayaa caawa degan, waxaana jira dad habeenimadan ka soo barakacaya deegaano ka tirsan Hodan iyo H/wadaag sida xaafada Siigaale iyo shanta geed kuwaasoo soo maciin biday qoysaska degan degmada Waaberi iyagoo si orod ah uga soo talaabaya wadada Maka Al Mukarama oo ay gaaf wareegayaan taangiyada ciidamada AMISO,M waxaana dadkaasi ay wataan caruur fara badan oo ay kala baxsanayaan madaafiicda, qaarkoodna ma garanayaan meel ay ku wajahan yihin oo ay caawa ku baryaan.

Tirada dadkii ku dhintay dagaalka ka socda magaalada Muqdisho maanta oo kaliya ayaa gaaraysa inta laga warqabo ilaa 60 ruux oo rayid ah halka in ka badan 150 kale oo dhaawac ah la gaarsiiyey isbitaala Madiina iyo dayniile kuwaasoo iskugu jira haween caruur iyo dhalinyaro madaafiic iyo rasaas habow ah ay ku haleeshay meelo ka mid ah magaalada Muqdisho sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka ee Isbitaaladaasi iyo kuwa gadaiidka gurmadka deg deg ah, waana duqeyntii ugu xooganeyd uguna qasaaraha badneyd ee ciidamada AMISOM ay ka geystaan magaalada Muqdisho tan iyo intii madaxweyne shariif loo doortay 5 bilood ka hor madaxweynaha DF Somalia lamana oga sida xaalada magaalada ay noqon doonto maalmaha soo socda iyadoo dagaalada ay yihiin kuwa ka sii daraya kuna sii fidaya goobo hor leh, waxaana dhinaca kale illaa hadda aan jirin war ku saabsan duqeyntii galabta oo kasoo baxday ciidamada AMISOM DF iyo xoogaga mucaaradka
Abdirazak Hassan ( Duceysane ) LoveBorama Online
Borama Somaliland
No comments:
Post a Comment