Friday, June 5, 2009

Boorama Oo Saaka Ku Waaberiisatay Tacshiirad Ciidamada Amnigu Huwiyeen Shaqaale Dhisme Ka Waday Xarunta Maxkamadda G/Awdal

Posted in June 4th, 2009
by loveborama Online News
Borama-(Lug)-Magaalada Boorama ayaa saaka ku waaberiistay tacshiirad ay ciidamada amnigu ku kala dareerinayeen kooxo shaqaalaha dhismaha ah oo dhisme ka waday deyrka xarunta maxkamadda Gobolka AwdalOo aan wax sidaas ah ka fogeyn saldhigga ciidamada amniga ee gobolka Awdal ee magaalada Booram,a .
Cabbaare 9.00 subaxnimo ee saaka ayaa cutubyo ka tirsan ciidamada Booliska oo uu hoggaaminayey taliyexigeenka ciidanka amniga G/Awdal Cismaan Warsame Xijaab (Cismaan Haari ) ay weerar ku qaadeen shaqaalahaasi kaddib markii sida la sheegay ay hore u diideen shaqaalahaasi inay joojiyaan dhismaha deyrka maxkamadda laga waday .
Inkastoo aanay saaka ka dhicin wax khasaare oo ka dhashay rasaasta ciidanku ku kala dareeriyeen shaqaalaha, waxayse dad badan oo ka agdhawaa goobtaasi dhawaqa rasaastaasi soo xusuusisay wakhtiyadii lagasoo gudbay ee Soomaaliland la aasaasayey.
Taliyexigeenka ciidanka amniga G/Awdal oo aan wax ka weydiiyey dhacdadaan ayaa si kooban iigu sheegay oo yidhi ”waxan shaqaalahaasi ku kari weynay waar meeshu waa meel dawladeed, waa maxkamaddii gobolka ee qaranku lahaa, dhulka ailaahay ee bannaan wax ka dhistoo iska daaya meeshaasi waa ceeb, waa dawlad la’aan, waa magac xumo balse dheg jalaq nalooma siin wayna na caayeen”.
Dad ku dhaw cidda iska leh dhismahan maxkamadda deyrkeeda laga dhisi lahaa kana gaabsaday in la magacaabo ayaa iyaguna ii sheegay inay dhulkaasi u haystaan sharci laga bixiyey Dawladda Hoose, isla markaana lagu wargeliyey masuulyiinta kale ee dawladda, sida guddoomiyaha gobolka, guddoomiyaha G/degaanka iyo Wasaaradda Gudaha, balse waxaasoo sharci ah aanay cidi dhegeysan sharcigoodana lagu sheegay mid foorjari ah. Si kastaba ha ahaatee arrintan ayaa la xidhiidha boobka lagu hayo dhulka dawladda, wasaaradaha iyo xarumaha looga adeego shicibka magaalada , kuwaasoo indhawaaleba qaarkood la xaraashay, kuwa kalena dad sheegayo inay u haystaan warqado ,halka kuwa kalena u xoog ku haystaan lagana furfuri kari laayahay, arrimahaasi oo la sheegayo inay lug ku leeyihiin maamulayaasha dawladda Hoose ee Boorama, joomitirada iyo qaar ka mid ah dadweynaha degaanka Boorama oo iyagu eegta kuna mamay dhulka u dhexeeya dadweynaha una badheedhay inay iibsadaan oo lacagtooda ku bixiyaan dhul an la ogeyn inuu noqon doono mulkigooda . Sidoo kale ayaa iyadana muran ku saabsan dhulka ku fadhiyo gurigii loogu talogalay taliyaha Booliska, lana dhisay wakhtigii gumaysiga ingiriisku dhulka haystay ay haatan isku haystaan dad sheeganaya in laga iibiyey iyo dad sheeganaya inay deggenaan doonaan, arrintaasoo aan la aogeyn waxa ay ka yeeli doonaan taliyayaasha ciidamada amniga Soomaaliland iyo kuwa gobolka Awdal.

Abdirazak Hassan ( Duceysane ) LoveBorama Online
duceysane11@hotmail.com
love-borama@hotmail.co.uk
Borama Somaliland

No comments:

Post a Comment