Sunday, June 14, 2009

War deeg deg ah:Dagaal u dhexeeya ciidamo ka wada tirsan DF Somalia oo goor dhoweyd ka bilowday agagaarka wadada Ex-kontrol Afgooye

Dagaalo u dhexeeya ciidamo ka wada tirsan DF Somalia ayaa abaara 12:30 daqiiqo duhurnimo ee maanta ka bilowday agagaarka Isgoyska Ex-koontrool Afgooye oo ku yaala duleedka koonfureed ee magaalada Muqdisho sida wararka halkaasi naga soo gaaraya ay sheegayaan, halkaasoo lacago baad ah ay ciidamada DF uga qaadaan gaadiidka rakaabka ah iyo kuwa xamuulka ah ee wadadaasi isticmaala.
Dagaalkan oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala gedisan ayaa bilowday sida dad goob joogayaal ahi sheegeen ka dib markii ciidamada DF ee ku sugnaa isgoyskaasi ay fooda is dareen ciidamo kale oo ilaalo ka ahaa gaadiid siday raashiin gargaar ah oo halkaasi marayey, waxaan dagaalkaasi uu saameyn ku yeeshay socodkii dadka iyo gaadiidka ee wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo gobolada koonfureed ee dalka Somalia.

Ilaa 3 askari oo ka tirsan labada dhinac ee halkaasi ku dagaalamaya ayaa la xaqiijiyey iney halkaasi ku dhinten halka illaa 5 kale oo ay ku jirto haweeney rayid ah ay ku dhaawacmeen, waxaana weli deegaanadaasi laga maqlayaa rasaas aad u culus oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan, iyadoo aysan jirin saraakiil ka tirsan ciidamada DF oo ka hadlay dagaalka halkaasi ka socda oo ah kii ugu cuslaa ee dhexmara ciidamada DF tan iyo madaxweyne loogu doortay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed


Abdirazak Hassan ( Duceysane ) LoveBorama Online
duceysane11@hotmail.com
love-borama@hotmail.co.uk
Borama Somaliland

No comments:

Post a Comment