Tuesday, June 16, 2009

Wasiirka Isboortiga iyo Dhalinyarada mudane Saleebaan Colaad Rooble oo booqasho shaqo ku jooga dalka Suudaan.

London 16.06.2009. Wasiirka Isbortiga iyo Dhalinyarada Mudane Wasiir Saleebaan Colaad Rooble ayaa kulan kula qaatey magaalada Khartooum Wasiirul Dowlaha dalka Suudaan ee Dhalinyarada Isbortiga & Dhaqanka mudane Maxamed Aboozeed Mustafa.
Kulanka ayaa lagu qabtey xaruunta wasaarada Dhalinyarada Isboortiga iyo Dhaqanka dalka Suudaan waxaana wasiirka dhalinyarada Soomaaliya mudane Suleymaan Colaad Rooble ku wehliyay mas'uuliyin u ka mid ahaa Gudoomiyaha Guddiga Olambikada mudane Aadan Xaaji Yabarow ‘’Wiish’’, Mudane Saciid Jaamac Qoorsheel la taliyaha Wasiirka,Safiirka Soomaaliya u fadhita dalka Sudan Danjire Prof Mahdi iyo mas'uuliyiin kale.
Wasiirka ayaa kaga warbixiyay ugu horeyn xaalada uu dalka Soomaaliya ku sugan yahay iyo barnaamijka u degsan wasaarada dhalinyarada iyo isboortiga, isla markaana ka mahadceliyay sida wanaagsanayd ee loogu soo dhaweyay dalka Sudan.
Kulankaan ayaa noqonaya mid hordhac u ah kulamo kale uu wasiirka uu ku yeelan doono madaxda dalka Sudan inta uu ku suganyahay halkaas.
Wasiirka ayaa noogu sheegay qadka telefoonka in maalinkii shalay ahayd dalka Suudan uga bilaabatay socdaal shaqo uu halkaas ku joogi doono muddo 5 cisho ah .
Safarkaan ayaa noqonaya kii labaad tan iyo markii xilka loo dhiibay wasiirka mudane Salebaan Colaad Rooble , wasiirka ayaa biloowgii bishaan kaga qayb galay dalka Zwitzerland shir caalami ah isla markaana wada dadaal dib loogu soo noolaynaayo shaqadii iyo masuuliyada ka saran wasaarada dhalinyarada iyo isboortiga dalka Soomaaliya.

Dadaala iyo shaqada u wado wasiirka cusub ayaa noqonaysa mid ay aad ula dhacsan yihiin bahda Isboortiga Soomaaliyeed gudaha iyo dibadaba, dhawaan ayaa wasiirka xafiiskiisa warqad ka soo baxday loogu kala direy hay’adaha Isboorti ee ka jira magaalada Muqdisho isla markaana loogu sheegay inay u soo gudbiyaan Wasaarada waxqabadkoodii labadii sano ee la soo dhaafay .
Wixii ka dambeeyay burburkii Dowladii hore ee Soomaaliya ayaa isboortigii u noqday mid uu la burburo inkastoo ay ka jiraan xogaa dhaqdhaqaaq Isboorti xaafada karaan hadana waxaa dhaqaale xoog badan ay ka helaan hay’adaha Isboortiga caalamka sida IOC, NOC & FIFA, arinkaas oo dib u dhac weyn ku keentey sidii Isboortiga loo gaarsiin lahaa dhamaan gobalada dalka si xaq ah wax loogu qaban lahaa guud ahaan dalka Soomaaliya, hasa yeshee dhaqdhaqaaqa u wado wasiirka Isboortiga iyo dhalinyarada ee ku wajahan soo noolaynta hay’adihii Isboortiga dalka iyo ku soo celinta awooda maamulka Isboortiga dalka dowlada Soomaaliya ayay dadka intiisa badan u arkaan tilaabo loo qaaday xaga wanaagsan isla markaana lagu helo cadaalad iyo u sinaanta talada maamulida isboortiga dalka.

Wariye:- Maxamed Xabiib
Loveborama Online
Asalo01@hotmail.com
Borama Somaliland

No comments:

Post a Comment