Tuesday, June 16, 2009

Dagaalo xoogan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin oo ka dhacay Waqooyiga Muqdisho.


Dagaal kulul oo u dhaxeeya Askarta dowladda KMG Soomaaliya iyo Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa maanta ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Galgalato iyo degmada Kaaraan iyadoo ay jiraan qasaare soo gaaray dad rayid ah.

Dagaalkaasi oo barqanimadii maanta ka qarxay inta u dhaxeysa Galgalato iyo Kaaraan ayaa waxaa uu u dhaxeeyay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin kuwaasi oo is weydaarsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Xaafadaha ku hareeraysan degmada Kaaraan iyo gudaha degmadaasi ayaa waxaa si xoogan looga maqlayay dhawaqa rasaasta iyo Madaafic ay is weydarsanayeen labadaani dhinac waxaana jira dhowr madfac oo ka mid ah kuwa la isku ridayay oo ku dhacay Xaafado ka mid ah degmada Kaaraan wallow aan si dhab ah la ogeyn qasaare ay sababeen.

Wariye Madax Banaan oo lagu magacaabo Axmed Cabdi Max'ed oo ku sugan halka lagu dagaalamay ayaa Idaacada Shabelle u sheegay in dagaalku uu soo gaaray Agagaarka Cusbitaalka Keesanay,isagoo intaasi raaciyay in labo qofood oo rayid ah ay ku dhaawacmeen dagaalka kuwaasi oo ay haleeshay rasaasta la is weydaarsanayo,wallow qasaaruhu uu intaasi ka badanyahay.

Maamulka degmda Kaaraan ee dowladda KMG Soomaaliya oo aan wax ka weydiinay dagaalkaasi ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin ka bixiyeen,hase ahaatee dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalku uu ka dhacay Galabta inta u dhaxeysa Deegaanka Galgalato iyo degmada Kaaraan gaar ahaan agagaarka Cubitaalka Keesanay ee gobolka Banaadir.

Dagaalkaani ayaa waxaa uu daba socdaa dagaalo saakay Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin ay kula wareegeen deegaanka Galgalato oo ay horay ugu sugnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya,waxaana la sheegay in ciidamaddii saakay la wareegay halkaasi ay u soo durqeen degmada kaaraan taasoo dhalisay in ay ka hortagaan ciidamo kale oo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya.

No comments:

Post a Comment