Sunday, June 14, 2009

Tafatiraga Guud ee Shabakadda Dayniile oo Maanta ka Ambaabaxay Dalka Masar Kana Qeeb Galaya Siminaar ka dhacaya Dalka Imaaraadka carabta

Tafatiraha Webka Caalamiga ah Ee daayniile ayaa waxa uu Malinta Ka amba baxay Dalka Masay Gaar ahaan Magalada Qaahira Ee Xarunta Dalka Masar Isagoona ka Qeyb gali doono Saminaar lagu qabanaayo magalada Dubai Ee dalka Imaaraadka Carabta. Tafatiraha Webka loveBorama Online Mr.C/risaaq Xasan (Duceysane) ayaa Manta Duhurnimadii ka soo anbabaxay garoonka Caalamiga ah ee magaalada qaahira isaga iyo Xubno ka tirsan ururada Bulshada rayidka ah ee Dalka masar oo dhamaantood ka qeyb gali doona saminaarka.

Saminaarkaan ayaa waxa uu Soconayaa 2 Maalmood iyadoona Diirada lagu saari doono sidii leyskugu xirilahaa shabaabka Carabta Islamarkaana ay isku garab istaagi lahayeen oo ay wax iskula qabsan lahaayen ayaa waxa Cashiro ka bixi doona qubaro kala duwan oo ka socota inta badan wadamada Carabta .
Mudane C/rasaaq Xasan Muxumed oo inta uuna ka amba bixin garoonka magalada qaahira ayaa waxa u sheegay in saminaarkan Muhiimadiisu tahay isku Xirka Wadamada Carabta iyo Shabaabka Dhalinyarada Carabta oo soo Koroya Waxaana ka soo qeyb galaya Masuuliyiin ka kala socota Guud ahaan Wadamada Carabta.

Sidoo kale waxaa laga Bixin doonaa Saminaarka Casharo la xariiro habka iskaashiga Caalamiga ah ee shabaabka Caraba iyo Guud ahaan dhalinta Muslimka ah waxana la rajeynayaa in noqon karto tilaabo muhiin ah uu u horseedi karto shabaabka carabta in ay hal mid noqdaan.
ISku soo wada duuboo Malinta beri ah ayaa waxa uu saminaarka ka furmi doonaa Magalada Dubaai iaydoona lagu wada in 2malmood kadin uu soo gaba gaboobo.

Abdirazak Hassan ( Duceysane ) LoveBorama Online
duceysane11@hotmail.com
love-borama@hotmail.co.uk
Borama Somaliland

No comments:

Post a Comment