
Madaxweynaha Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta shir jaraa'id ku qabtay xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa carabka ku adkeeyey in ay sii wadi doonaan dagaalada ay kula jiraan kooxaha Islaamiyiinta.Hadalkan ayuu saxaafadda u sheegay madaxweynaha kadib markii uu shir la qaatay culumo ka tirsan Ahlusunna wal jameeca, kuwaasoo inya dagaal kula jira kooxaha Islaamiyiinta mayalka adag."Inta midka ugu dambeeya naga nool yahay waan sii wadi doonaa dagaalka, si aan u cirib tirno kooxaha danaha shisheeye wada islamarkaana ka soo horjeeda dowladda", ayuu yiri madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.Inta uu shirjaraa`idka madaxweynuhu socday ayaa waxaa kusoo dhacay nawaaxiga madaxtooyada hoobiyayaal ey soo tuurayeen kooxaha mucaaradka."Markii ugu horeysay ee aan Muqdisho imaanay waxa ay nagu soo dhaweeyeen madaafiic cul-culus, iminkana waad maqlaysaan", ayuu hadalkiisa sii raaciyey madaxweyne Shariif Shiikh Axmed oo ka hadlayay hoobiyayaasha lasoo tuuray.Hadalka madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya xilli ay dagaalo qaraar ey ka soconayaan qaybo ka mid ah magaaladda Muqdisho iyo gobolada dalka Somaliya.
Abdirazak Hassan ( Duceysane ) LoveBorama Online
Borama Somaliland
No comments:
Post a Comment