Sunday, June 14, 2009

Dowlada Somalia, Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo ururka Ahlu Sunna waljameeca oo siyaabo iska horjeeda uga hadlay ciidamada Itoobiya ee soo gala

Dhinacyada Dowladda federaalka Somalia. Saraaakiil ka tirsan xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab iyo dariiqda suufiyada ee Ahlu suna waljameeca ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay ciidamada Itoobiya ee soo galay qeybo ka mid ah gudaha dalka Somalia maalmihii ugu dambeeyey gaar ahaan gobolada Hiiraan iyo galgaduud ee bartamaha Somalia
Safiirka DF Somaliya u fadhiya magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya Ambassador Siciid Nuur ayaa beeniyay in ciidamo Itoobiyaan ah ay soo galeen gudaha Somalia isagoo wareysi siinayay wakaalada wararka Reuters wuxuuna intaa ku daray ineysan jirin ciidamo Itoobiyaan ah oo ka soo talaabay soohdinta kala qaybisa Somalia iyo Itoobiya.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa danjire Saciid Yuusuf Nuur waxaa uu sheegay in inaanu waxba ka jirin wararka sheegaya soo laaabashada ciidamada Itoobiya ayna qoreen wariyaal uu ku sifeeyay in ay yihiin kuwo aan xaqiiqda sheegi karin oo ka baqanaya ciqaab kaga timaada xoogaga Islaamiyiinta Somalia.
Dhinaca kale, Madaxa warfaafinta maamulka xarakada mujaahidiinta Al-shabaab ee gobolada Jubbooyinka Sheekh Xasan Yacquub Cali ayaa isna ka hadlay arintaasi isagoo digniin culus u diray ciidamada Itoobiya ee dib ugu soo laabtay qaybo ka mida gobolada koofureed ee Somalia.
Sheekh Xasan Yacquub ayaa sheegay in xoogaga Islaamiyiintu ay la socdaan mudooyinkan dambe abuubul ciidan oo ay haatan Itoobiya ku dooneyso in aagag dagaal oo kaga furto gobolada Gedo, Bay, Bakool, Hiiraan iyo Galgaduud "Itoobiya waxaan lee nahay Timir iyo Xalwo kaagama soo horeyso Somalia ee waxaa jooga raggii markii hore xoog kaaga saaray ee bakjhtigiina ku jiid jiiday wadooyinka Muqdisho kuwaasoo weli diyaar u ah iney idinla dagaalamaan" ayuu yiri Sheekh Xasan Yacquub.

Sidoo kale, Dhaqdhaqaaqa Ahlu Sunna Wal-jameeca ayaa waxay sheegeen in ciidamada Itoobiya ee soo gaaray gobolka Galgaduud ay halkaasi u yimaadeen inay dhex-dhexaadiyaan beelo halkaasi ku dagaalamay, iyagoo dhinaca kale beeniyay wararka sheegaya inay ciidamadaas Itoobiyaanka ah doonayaan inay xoojiyaan dhaq-dhaqaaqa Ahlu sunna Wal-jameeca oo qaybo ka mid ah gobolka Galgaduud dagaallo kula jira xoogagga iskaashanaya ee Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab.
Afhayeen u hadlay dhaq-dhaqaaqa Ahlu Sunna Wal-jameeca ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay halkaasi kulamo kula qaadanayaan hoggaamiyayaasha qabaa’ilka beelo Soomaaliyeed oo dhowaan ku dagaalamay xadka kala qaybiya gobolka Galgaduud iyo dhulka Is Maamulka Soomaalida Itoobiya si ay u dhex dhigaan heshiis, wuxuuna intaasi ku daray in marka ay dhamaystaan hawlahooda ay dib ugu laabanayaan halkii ay markii hore ka yimaadeen.
Hadaladan kasoo kala baxay dhinacyada isku haya Somaliaa ayaa ku soo beegmay xili afhayeenka Dowladda Itoobiya uu beeniyay in ay ciidamo u direen bartamaha Soomaaliya, maalin kaddib markii dad deggan bartamaha Soomaaliya ay soo weriyeen in Ciidamo aad u hubeysan oo ka socda Dowladda Itoobiya ay ku sugan yihiin ugu yaraan meelo ka mid ah gobolada G/gaguud iyo Hiiraan ee bartamaha Somalia.

No comments:

Post a Comment