Saturday, June 6, 2009

Dadka Dhagoolayaasha Ah Ee Reer Boorama Oo Markii Ugu Horaysay Loo Suura Galiyay Inay Fahmaan Khudbada Salaada Jimcaha Ah

Boorama(loveborama)Shalay salaadii jimcihii ayaa waxa suura gashay markii uu horaysay in ay fahankeeda ka qayb qaataan dadka dhagoolayaasha ah. Masaajidka wayn ee Abu Hurayra ee magaalada Boorama ayaa waxa ka suurta gashay in turjumaan faraha ka sheekaynaya oo istaago Mimberka khudbada Jimcuhu ka socotay kaasi oo ay suurto gashay in khudbadii Maanta ee Soomaaliga ahayd ay dadka dhagoolajaasha ah ee raga ahi u fahmaan si wayn. Waxa kale oo iyaguna loo ogolaaday in ay ka qayb qaataan jimcihii maanta Suxufiyiinta maxaliga ah oo laga codsaday in ay baahiyaan warkan si ay bulshada reer Somaliland fursad u siiso dadka dhagoolayaasha ah.
Imaamka masjidka Abuu hurayra Sh. Cali Shucayb ayaa isaguna u sheegay saxaafada in ay talaabadani ka dambaysay markii gududa Wanaagfarista ee gobolka Awdal ay booqdeen dugsiga Dhegoolayaasha ee Boorama isla markaana ay ogaadeen baahida ay u qabaan fahanka wacyaabaha diiniga ah ee bulshada ka dhex socda. waxa kale oo uu Imaamku sheegay in uu aad ugu mahadnaqayo shirkada SHABA oo suurto galisay in ay suxufiyiintu fursadan helaan, Imaamku waxa kale oo uu sheegay in ay u qorshaysan tahay in ay ka faa’iidaystaan Tignoolojiyada casriga ah isla markaana ay fursadana oo kale siiyaan haweenka iyaguna dhagoolayaasha ah.
Shabakada waraka ee Lughayanews oo ay u suurto gashay salaadii jimcalaha ee shalay ka dib in looga tarjumo dhalinyaro dhagoolayaal ah oo khudbadii shalay goob joog ka haa ayaa waxa ay dareenkooda maanta ku cabireen mid wayn oo aanan la soo koobi karin waxana ay codsadeen in la dardar galiyo ficilada noocan oo kale ah.

No comments:

Post a Comment