Thursday, June 18, 2009

Wasiirkii Amniga Qaranka Cumar Xaashi iyo C/kariin Laqanyo oo ku geeriyooday Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Baladweyne


Qarax ismiidaamin ah oo ay ku geeriyoodeen masuuliyiin ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta waxaa uu ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Qaraxaani ismiidaaminta ahaa oo barqanimadii maanta ka dhacay hoteelka Madiina ee galbeedka magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo ay deganaayeen masuuliyiin ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay in uu dhaliyay qasaare aad u balaaran iyadoo dadka ku geeriyooday sida Shabelle loo qaxiijinaya ay ku jiraan masuuliyiin ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya.

Dadka qaraxa ku geeriyooday ayaa waxaa ku jiray Wasiirka Amniga Qaranka dowladda KMG Soomaaliya Cumar Xaashi Aadan iyo safiirkii hore ee dowladda Soomaaliya u fadhiyay dalka Ethiopia C/kariin Faarax Laqanyo iyo ka badan 50-ruux oo ay ku jireen Ciidamada Ammaanka Magaalada Baladweyne iyo dad Shacab ah iyadoo ay ku dhaawacmeen in ka badan intaasi.

Geerida Wasiirka Ammniga ayaa Idaacada Shabelle waxaa u xaqiijiyay Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ee Maxkamadaha Isaamiga ee ku beeray dowladda Sheekh C/raxmaan Ibraahim Macoow oo galabta Shir jaraa'id ku qabtay Buurta Jante Kundhishe,isagoo intaasi ku daray in qaraxii maanta uu ahaa mid qal qal galiyay dadka reer Baladweyne islamaraana argagax lahaa.

Kadib markii qaraxaani barqaninamadii maanta uu ka dhacay Magaalada ayaa waxaa laga dareemay xaalad Kacsanaan ah iyo dhaq dhaqaaq ciidan oo ay wadaan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee halkaasi ku sugnaa oo ay hogaaminayaan masuuliyiintii maxkamadaha islaamiga ee gacanta ku haya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Qaraxaani ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili dhawaan masuuliyiintii maanta geeriyootay oo watay ciidamo fara badan oo lagu so taba baray dalka Ethiopia ay soo gaareen magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan iyagoo halkaasina maalmihii u dambeeyay ka waday kulamo is daba joog ah oo ay la yeelanayen masuuliyiintii maxkamadaha islaamiga ee gobolka Hiiraan.


Tafatire:-Abdirizak Hassan Mohamed
Loveborama Online
Borama Somaliland

No comments:

Post a Comment