Posted in June 4th, 2009
by loveborama Online News
Borama-(Lug0-Madaxaweynaha Soomaaliland Daahir Rayaale ayaa dabaylaha siyaasadeed ee beryahan ka kaxeeyey aqalka madaxtooyadu u dhaqaajiyeen dhinaca Bari ee Soomaaliland halkii laga filayey inay u dhaqaajiyaan dhinaca galbeedka isagoo sida la sheegeyo gaadhay magaalada Burco sida la sheegay.
Rayaale ayaa sidoo kale Burco tegey wakhti uu dalka ka maqan ahay hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka soomaaliland Axmed siilaanyo o ay Burco u tahay saldhigga.
Sidoo kale ayaa Rayaale gaadhay Burco isagoo ay gelbinayaan ku dhawaad kala badh ciidanka daafaca xuduuddaha soomaaliland ee qaranku oo weliba uu wato sarkaalkii ciidankaasi dagaalgelin lahaa haddii cadow la weerari lahaa ama Somaaliland laga difaaci.
Sidoo kale ayaa Rayaale gaadhay Burco wakhti uu iskasii horresiiyey mucaawino raashin ah oo ay haydda WFP kula noqnoqnaysay magaaladaasi , aashinkaasoo aa la ogeyn meesha uu yaalay iyo cidda haysatay tobansano kudhawaad reer Somaaliland qaybo ka mid ah ay soo mareen abaaro iyo duruufo nololeed oo gargaar u baahnaa .
Socdaalka madaxweynaha ee Burco ayaa ka dambeeyey kudhawaad sideed casho oo uu ku sugnaa magaalada Berbera ilaa imikana aan la ogeyn wax muuqda oo uu dadka gobolkaasi ugu abaalguday dhaxalkii marxuum Cigaal ee u Rayaale ku gaadhay mansabka maanta uu taagan yahay booqashadiisa Burcona la filayo inaysan waxba ka duwanaan doonin tii uu ku tegey Berbera .
Rayaale ayaa sidoo kale Burco booqanaya si uu mar kale uga faa’iideysto khilaafka beelaha dhexe ee Soomaaliland ee isku degaanka ah iyadoo haatan ad mooddo inay xukuumadda Rayaale doonayso inay sii fogeyso khilaafkaasi kaddib markii taliyaha booliska Rayaale dubbad saqadhi dhawaanta u magacaabay laba taliye qaybeed oo aan weli soo marin taariikhda maamul ee Soomaaliland.
Haddaba markaad eegto booqashooyinka madaxweyne rayaale uga bilowday bariga soomaaliland balse an la ogeyn inuu ku gaadhi doono magaaladii sida fooshaxun leh lagaga soo saaray ee Laascaanood ,xoogga miltari ee uu wataana aanay meesha ka saarayn inuu Rayaale ku doonayo inuu kaga aargoosto falkaasi reer Laascaanood u geysteen wakhti uu siyaasadda dalka ku cusbaa , khasabna doorkan oggolaysiiyana inay doorkan Rayaale si wanaagsan usoo dhaweeyaan balse loo qaadan karo in socdaalkani yahay bilowga olole siyaasaded oo Rayaale ku doonayo inuu markale ku xukunka dalka ku qabsado, balse aanu Rayaale ogeyn dib udhaca uu reer Soomaaliland u geystay toddoba sano kudhawaad uu dalka ku xukumayey qori caaradii iyo xukun kelitalisnimo ah isla markaana aanu ogeyn in Rayaale iyo Soomaaliland maanta isbarteen .
Marka loo dhabbogalo qaabka uu Rayaale ku tegey Burco ayaa durba muujinaysa inuusan ku kalsoonayn dareenka dadweynaha reer Burco u hayaan , xumaan iyo samaan midkay doontaba ha ahaatee sidaa darteedna uu ku talogalay inuu xoog ku tego halkaasi, waxase uga wanaagsanaan lahayd inuu ku tego sidii uu ku tegey waagaa uu marxuum Cigaal u diray xal u heliida aafadii degaankaasi ka dhacday ee uu sida fiican uga shaqaystay .
Sidoo kale ayaan loo baahnayn in Rayaale taliyihiisii ciidanka u kaxaysto dhul aanu joogin cadow ciidanka intaa le’eg ee isugu Teknikada, Koofiyad Casta , Koofitad Buluugta, Koofiyad Cawlka Iyo Dharcadda kuwaasoo loo qaadana karo inuu Rayaale socdaalkiisu dhaafsan yahay Burco inta uu dhulkaa joogana ku joogo xoog military balse aanu ku joogin soo dhaweyn iyo kalgacayl, taasina ay dadka dhulkaasi xusuusinayso taliskii Siyaad Barre ee dhawaanta iska xoreyntiisii laga xusayey Hargeysa iyo Burco, balse Rayaale kagasoo muquurtay Berbera.
Inta uu Rayaale Burco joogo ayaa sidoo kale la filayaa inuu wadahadallo la yeesho dad lasoo ururiyey oo lasoo baadhay markii ay Rayaale ugusoo geleyaan Guriga dawladda isagoo la filayo inuu dadkaasi u sheegi doono horumar aanay dawladdiisu wax shaqo ah ku lahayn oo ay hay’adaha caalamiga ah iyo ganacsatada magaaladaasi qabsadeen, isagoo laga yaabo inuu booqdo wershedeha saabuunta iyo biyaha ee reer Burco samaysteen ..
Waxa kale oo la fili karaa in kulamada uu la yeelan doono beelaha dhulkaasi wada dega uu qaar sasabi doono qaarna u hanjabi doono halka kuwa kalena uu uga cudurdaaran doono fulin la’aanta ballanqaadyadii uu waagii hore u qaaday. Waxa kale oo laga yaabaa inuu dadka degaankaasi ku guubaabin doono inay iskaga hadhaan siyaasiyiyinta xisbiga KULMIYE iyo Axmed Siilaanyo halka beesha Galbeedka Burcana uu ku waanin oddoono inay soo qabtaan Cabdi Aw Daahir iyo Dr.Gabboose balse aan saadaalin karin inay odayaashaasi ka aqbali doonaan iyo in kale .
Sidoo kale ayaa booqashada Rayaale ee Magaalada Burco u tahay inuu dumiyey deyrkii Baarliin inkastoo ay u wanaagsanayd inuu magaaladaasi booqdo ka hor intii aanu Axmed Siilaanyo dalka ka bixin, waxana la ogyahay sida Rayaale ugu farxasan yahay markii la waayey bannanbaxyadii ka dhanka ahaa dawladda madaxweyne Rayaale ee waayadan dambe Burco ku caanbaxday , isagoo Rayale isku dayaaya inuu hoyga mucaaradka Soomaaliland ee xisbiga Kulmiye ka dhigo meel la mid xaafadaha magaalada Boorama qaarkood ee badi dadweynaha kasoo jeedaa hayb ku taageeraan madaxweynaha balse aan la ogeyn wejiga reer Burco ku taageeri doonaan Rayaale ama cod ku siin doonaan ,
Haddii aanay ahayn cududda military ee uu meeshaa la tegey, cabsina dadweynaha dhulkaasi sacabka ugu tumin iyagoo ka tusaale qaadanaya rasaastii ciidanka dawladda Rayaale Hargeysa ku huwiyeen guddoomiyaha xisbiga siyaasiga ah ee KULMIYE Axmed Siilaanyo, isagoo hoggaaminaya bannaanbax salmi ah oo lagu diidanaa muddo kordhinta Rayaale ee Golaha Guurtidu sida sharcidarada ah ugu kordhiyeen lix bilood .Iyadoo dhinaca kalena warbaahinta madaxtooyadu soo abaabushay odayal iyo siyaaiyiin ugu hanjabayey ‘kulmiyoow Hargeysa ka baxa’
Si kastaba ha ahaatee lama oga wax kasoo bixi doona booqashada Rayaale halkaasi ku tegey iyo maalmaha uu sii joogo doonaba balse waxay dad badan oo halkaa joogaa saadaalinayaan Inay reer Burco Rayaale u sheegi doonaan inaysan ahayn reer burcihii 2003dii kala qaybsanaantoodiina dhammaatay ,wax wada qabsina ku heshiiyeen, ficiladii Rayaale ee Kulmiyena aanay kaga aargoosan doonin Rayaaloow Burco ka bax balse ay soo dhaweyn doonaan , dhegeysanna doonaan hadaladiisana .qaddarinayaan.

Abdirazak Hassan ( Duceysane ) LoveBorama Online
No comments:
Post a Comment