Tuesday, June 16, 2009

Hadal heynta ugu badan ee 48-kii saac ee la soo dhaafay oo aheyd qiso la yaableh oo qabsatay koox ka tirsan Al Shabaab

Hadal heynta ugu badan ee 48-kii saacadood ee la soo dhaafay magaalada Muqdisho ayaa aheyd qiso la yaableh oo qabsatay habeen hore 15.06.2009, koox ka tirsan dagaalyahanada ururka Al Shabaab kuwaasoo difaac uga jiray afaafka hore ee wadada Dabka, gaar ahaana guryihii hore ee bur buray ee Xaafada ku xeeran Suuqa Ceel garweyne Dhacdadan ayaa aheyd mid ay dadweynaha isticmaala gaadiidka BL-ka ah ee u soo shaqo taga Suuqa Bakaaraha ay si hoose isugu sheegayeen dhacdadan la yaabka badan ee ku dhacday xubno ka tirsan dagaalyahanada Al shabaab oo iyagu difaac uga jiray nawaaxiga isgoyska Dabka ee Degamda Hodon.

Illo wareedyo aad ugu dhow dhow Al Shabaab ayaa inoo xaqiijiyay in habeen hore 15.06.2009 uu Mas ku dilay illaa 5 dagaalyahan, kadib markii goob geedo iyo guryo burbursan ah oo ay difaac uga jireen uu ku helay Bahal Mas ah, kaasoo markii ugu horeysay qaniinay askari ka tirsan ciidankaasi, isla markaana ay u soo gurmadeen dhalinyaradii ku dhoweyd isaga ee difaaca kula jirtay, halkaasoo uu labo kale ku Qaniinay.
Saddexdaasi dhalinyarada ah ayaa isla markiiba loola cararay isbital gaar ah oo ay leeyihiin xoogaga Al Shabaab, inkastoo saacado kadib ay u geeriyoodeen Suntii Maskaasi.
Dhalinyaradii ku haray goobta Difaaca ayaa iyagu markii dambe la sheegay inay Shiteen Nal si ay isaga illaaliyaan Maska, wallow la ii xaqiijiyay in haddana labo dhalinyaro oo kale uu Qaniinay, isagoo uga yimid geed dushiis, taasoo ay markii dambena u geeriyoodeen, waxayna tirade dhimashada ee Maskaasi dilay ay noqotay 5 ruux.
Dhalinyaradii ku sugneyd aagaasi ayaa dalbaday in laga wareejiyo Aagaas maadaama aaney iska waardiyeyn Karin Maskaasi dad cunka ah, iyadoo la sheegay in isla habeenimadii halkaasi lagaga raray ciidamadii halkaasi joogay laguna soo bedelay kuwo kale.
Arrintan ayaa aheyd hadal heynta ugu badneyd ee shalay, xalay illaa manta inkastoo dadku aaney si cad isugu sheegi Karin dhacdadan balse ay si hoose isku weydiinayeen faah faahin la xiriirta inay jiraan dhalinyaro kale oo uu dhibaateeyey Maska wixii ka dambeeyey habeen hore, inkastoo aanan wax macluumaad ah oo dambe aanaan ka helin inay jireen xalayna dhalinyaro kale oo uu Qaniinay Maskaasi.

Wariye:-Axmed C/qaadir
LoveBorama Online
Dayax444@hotmail.com
Borama Somaliland

No comments:

Post a Comment