Aaska Marxuum Muqtaar Max’ed Hiraabe ayaa waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee saxafiytiinta iyo ehelada Marxuumka,waxaana shalay galab lagu duugay qabuuro ku yaala deegaanka lafoole ee gobolka Sh/hoose.
Agaasimihii hore ee Idaacada Iyo TV-ga Shabelle ayaa waxaa uu ifka kaga tagay Labo Xaas iyo 5-caruur ah kuwaasi oo nolashoodu ay ku tiirsanayd Marxuumka Geeriyooday.
Dhanka kale waxaa maalintii Labaad ku jira Cusbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho Madaxii Barnaamijyada Idaacada Shabelle Axmed Cumar Xaashi (Axmed Taajir) oo dhaawac uu soo gaaray xiligii la dilayay Agaasimihii Shabelle Muqtaar Max’ed Hiraabe.
Dhaawaca Axmed Cumar Xaashi (Axmed Taajir) ayaa waxaa uu yahay mid ka soo raynaya sidii hore.
Guud ahaan Maamulka iyo Shaqaalaha qeybaha kala duwan ee Shabakadda warbaahinta LoveBorama Online waxay dadweynaha Soomaaliyeed ku wargalinayaan in howlihii warbaahineed ee Website-ka hakad loo galiyay mudo kooban Tacsida Bahda Loveborana Online u taala daraadeed.
INAA LILAAHI WA INAA ILLEYHI RAAJICUUN.

No comments:
Post a Comment