Ururka Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa waxaa ay sheegteen qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee maanta barqadii lagu dilay wasiirka Amniga qaranka dowladda KMG Soomaaliya Cumar Xaashi iyo C/kariin Laqanyo oo horay u ahaa safiirkii Ethiopia u fadhiyay Soomaaliya.
Afhayeenka Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin sheekh Cali Max’uud Raage oo Qadka taleefanka Shir jaraa’id ku qabtay kadib qaraxii ka dhacay Baladweyne ayaa waxaa uu sheegay in qaraxaasi ay ku dileen wasiirkii amniga Qaranka dowladda KMG Soomaaliya Cumar Xaashi Aadan oo uu tilmaamay in qaribaad uu ka waday gobolka Hiiraan.
“Mujaahidiinta iyagoo raba in ay u aaraan walaalahooda muslimiinta ah ee la laayay ayaay Mujaahiidiinta mujaahid ka mid ah waxaa uu ku galay camiliyo Isqarxin ah meel ay shir ku heysteen ninkaasi Mujrimka ahaa iyo kuwa Garabkiisa ahaa iyo qoladuu madaxda u aheeyd,halkaasi oo uu Illaah ku halaajiyay kuwii Murtadiinta ahaa”ayuu yiri Afhayeenka Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin.
Hadalka Al Shabaab ayaa waxaa uu imaanaya xili maanta qarax xoogan oo uu ku dhintay wasiirkii Amniga qaran dowladda KMG Soomaaliya Cumar Xaashi Aadan uu ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Abdirizak Hassan Mohamed ( Duceysane)
Loveborama Online
Borama Somaliland
No comments:
Post a Comment